Xayiraada Cid La Saaro, Ka Xayuubi Xilkiba, Xornimo Ruux Lagaqaado, Xidho Saamax Hadhawna ,Qaranka Ku Xumaada.

0
Thursday September 09, 2021 - 10:39:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayiraada Cid La Saaro, Ka Xayuubi Xilkiba, Xornimo Ruux Lagaqaado, Xidho Saamax Hadhawna ,Qaranka Ku Xumaada.

    W/Q: ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH. BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-XURMADA DAWLADNIMADA,XAQDARAW XIDHA DILA,

   XOOLAHO LA XADO IYO,XANXANTOOBSIGAW DARAN,

   XEERARKO LA JEBIYOON,XUMAAN LAGA XISHOONIYO,

   XOOG KU QAADO IYO BOOB,LA XALAASHADAA DILAY.

 

2-XABSIYAAN SHARCI AHAYN,XANKAKAABSIYAA DILAY,

    XANAAQIYO CADHADA BADAN,XULUFAYSIGA DILAY,

    XAJIIMAYNTA MADAXDIYO,XURGUFTIYO XANTA DILA,

    XAGKASTABA U ERIGAA,XAARAN LAGA MACAASHAA.

 

3-XAYO DARAN XARAGO MADHAN,AFKU XOOGSADA DILA,

   XAYIRAAD LA SAARIYO,XILKA QAADIS FARO BADANI,

   XAYRAAN BAY ABUURAAN,DHAQALAHAY XUMEEYAN,

   XANTII FULE MA MOOGEE,XASILOONIDAW WACAN.

 

4-XABAAL QODAHA DHIDARKA,XASHIISHUN U DHAADHACA,

    XINJIRAHA LAMA FAJAASOO,XEEDHYAHA GUNTOODIYO,

    XAABKOODA LAMA TAGO’E,XARAGADA HA MOOGAAN,

   XIISA BADAN ADUUNYADU,XUMUUN KUMA DHAMAATO.

                      ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...