Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Horyimid Xil Ka Qaadista Rooble Ku Sameeyay Wasiirka Arimaha Gudaha
Muqdisho:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu
sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa
ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.
Madaxweynaha oo
cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya
"Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada,
Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka
Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan
Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal
ahayn.
"Xil ka qaadista iyo
magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo
hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.
DHAMMAAD