Askarta Guinea la wareegtay ayaa sii daynaysa maxaabiis si ay ugu hesho taageero dadweyne

0
Thursday September 09, 2021 - 08:39:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askarta Guinea la wareegtay ayaa sii daynaysa maxaabiis si ay ugu hesho taageero dadweyne

    Qareenada u doodayay maxaabiista ayaa sheegay in 79 qof la sii daayey ayna wadahadalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qareenada u doodayay maxaabiista ayaa sheegay in 79 qof la sii daayey ayna wadahadalo



askarta inqilaabka ka samaysay Guinea ayaa sii daayay koox ka soo horjeedday siyaasadii madaxweynihii xukunka laga tuuray Alpha Conde Talaadadii, iyada oo urur goboleedka ECOWAS uu isku diyaarinayo inuu ka hadlo qalalaasaha ka jira waddanka ka midka ah waddamada Galbeedka Afrika.

 

Ciidamada gaarka ah ee uu hoggaaminayo Gaashaanle Sare Mamady Doumbouya ayaa Axaddii afgembi ka sameeyay waddanka macdanta hodanka ku ah laakiin saboolka ah waxayna xidheen madaxweynaha, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah.

 

Madaxweynaha oo 83-jir ah ayaa lagu eedeynayaa inuu wax ku xukumayey xukun-keli-talisnimo, iyadoo la xidhay tobanaan ka mid ahaa dadka u ololeeya doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ka dib doorasho rabshado wadatey oo dalkaa ka dhacday sannadkii hore.

 

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa fiidnimadii Talaadada arkay ku dhawaad ​​20 maxbuus oo laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Conakry, oo ay ku jiraan dad mucaaradka ka tirsanaa.

Qareenada u doodayay maxaabiista ayaa sheegay in 79 qof la sii daayey ayna wadahadalo la yeesheen ciidamada.

 

Militariga ayaa Isniintii soo saaray war-murtiyeed ay ku boorinayaan wasaaradda cadaaladda inay dardargeliso siideynta "maxaabiista siyaasadda u xidhnaa”.

 

Doumbouya ayaa Talaadadii sidoo kale ku celceliyay ballanqaad ah in la qaban doono wadahadalo ku saabsan sameynta dowlad cusub.

 

"Dowladda la dhisayo waxay noqon doontaa midnimada qaranka waxayna xaqiijin doontaa kala -guurkaan siyaasadeed,” ayuu ku soo qoray bartiisa twitter-ka.

 

Inqilaabkii Axaddii wuxuu dhaliyey cambaareyn ballaaran oo diblumaasiyadeed oo ka timid Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo ururka Galbeedka Afrika ECOWAS waxayna dhamaantood ku baaqeen in la sii daayo Conde.

 

Ururka Dhaqaalaha ee Dalalka Galbeedka Afrika (ECOWAS) ayaa lagu wadaa inuu yeesho shir aan caadi ahayn si looga doodo arimaha waddankaa Arbacada maanta.

 

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inay doonayaan in hay’adaha Guinea dib loo soo celiyo "sida ugu dhaqsaha badan”.

 

"Waxaan filaynaa si kasta oo ay tahay in danaha ganacsatadeenna … aysan saameyn doonin,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin.

 

Shirkadda weyn ee Aluminium-ka Ruushka ah ee Rusal waxay joogitaan ku leedahay Guinea, oo ka mid ah waddamada ugu saboolsan adduunka in kasta oo ay haysato kaydka ugu weyn ee bauxite, macdanta loo isticmaalo wax soosaarka aluminium.


Loading...
Loading...