Warbixinta Cusub Ee IAEA Waxay Sheegtay In Iiraan Ay Si Weyn U Kordhisay Kaydkeeda Yuraaniyamka Bacrisan Ah
Iiraan Ayaa Sare U Qaaday Kaydkeeda Yuraaniyamka Oo La Bacrimiyey In Ka Badan Boqolkiiba Intii Loo Oggolaaday Heshiiskii 2015 Ay La Gashay Quwadaha Adduunka, Sida Lagu Sheegay Warbixin Talaadadii Ka Soo Baxday Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Ilaalinta Nukliyeerka.
Heshiiska, Iiraan Looma Ogolayn In La Kobciyo Yuraaniyam Ka Sarreysa 3.67 Boqolkiiba, Oo Aad Uga Hooseysa Xadka 90-Boqolkiiba Ee Loo Baahan Yahay In Loo Adeegsado Hubka Nukliyeerka.
Si Kastaba Ha Ahaatee, Warbixintu Waxay Ku Qiyaastay In Iiraan Ay Hadda Haysato 84.3 Kiilo Oo Yuraaniyam Ah Oo Lagu Kobciyay Boqolkiiba 20 (Halkii Ay Ka Ahayd 62.8 Kiilo Markii IAEA Ugu Dambeysay Ee La Soo Wariyay Bishii May); Iyo Sidoo Kale 10 Kiilo Oo La Gaadhsiiyey Ilaa 60 Boqolkiiba (Ilaa 2.4 Kiilo).
Warbixintu Waxay Intaas Ku Dartay In Hawlihii Kormeerka IAEA Ee Iiraan "Si Weyn Loo Wiiqay” Ka Dib Markii Tehran Ay Joojisay Qaar Ka Mid Ah Kormeerkii Hawlaheeda Nukliyeerka.
"Tan Iyo 23-Kii Febraayo 2021-Kii Waxqabadkii Xaqiijinta Iyo Dabagalka Ee Wakaaladda Ayaa Si Aad Ah Loo Wiiqay Iyada Oo Ay Sabab U Tahay Go’aankii Iiraan Ay Ku Joojisay Fulinta Ballanqaadyadeedii La Xidhiidhay Nukliyeerka” Sida Uu Dhigayo Heshiiskii Nukliyeerka Ee 2015 Lala Galay Quwadaha Adduunka, Wakaaladda Tamarta Atomiga Caalamiga Ah Ayaa Ku Sheegtay Warbixinteeda .