Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka shiray ammaaanka degaanadooda

0
Thursday September 09, 2021 - 08:09:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka shiray ammaaanka degaanadooda

    Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu




Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo ayaa warbixinta amniga ee Gobolka Mudug ka dhegaystay Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland.

 

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Gobolka, horumarada laga sameeyay dhinaca amniga oo Xukuumadda guulo ka gaartay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan.

 

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan Gobolka, wuxuuna laamaha amniga faray in lasii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Maamulka Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug.

 

War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland iyo Galmudug ay ka dhaxeeyso Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, iyada oo kulanka looga hadlay is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarin lahaa Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga.


Loading...
Loading...