Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Kiiska Dilka Ikraan Tahliil
Muqdisho(HWN):-Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo war ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay "walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.
Qoraalka beesha Caalamka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaaliya in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii May ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka dalka.
"Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble”ayaa lagu yiri bayaanka.
" Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin”ayaa hadalka Beesha Caalamka la raaciyay.
Qoraalka ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.