Wasiirka Macdanta Oo Furay Shir Lagu Soo Bandhigayo Qorshaha Horumarinta Tamarta Somaliland
Hargeysa(HWN):-Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa daahfuray mashruuc balaadhan oo laydhka loogu fidinayo meelaha Miyiga ah ee aanu laydhku gaadhin. Masuuliyiinta ugu sareeya wasaaradda ayaa sheegay in uu wax badan ka tari doono mashruucani baahida laydhka ee Waddanka gaar ahaana meelaha aanu laydhku gaadhi jirin.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Md Jaamac X Maxamuud
ayaa iftiimiyay ahmiyadda mashruucan"Waxaynu furayna mashruuc aad iyo
aad muhiim ugu ah Somaliland oo uu maalgaliyay Bangiga Adduunku oo la yidhaahdo
Seap (Somaliland electricity accessibility project), mashruucaasi waa mashruuc
aanu filayno in uu wax weyn ku soo kordhin doono waddanka oo u badan xagga
miyiga iyo meelaha aan laydhka badani gaadhayn oo wax weyn ka taro oo la fidiyo
adeegga laydhka lagu fidiyo waddanka,”ayuu yidhi wasiir Jaamac. Maxamuud
Cigaal
Wasiirku waxa kale oo uu shaaciyay in la dhammaystiray qorshaha guud ee Qaranka
ee haggaya sida ay u soconayso korontada Waddanku 20-ka sanno ee soo socda kaas
oo la jaanqaadaya qorshaha labaad ee Qaranka.
Madaxa dhinaca Tamarta ee Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Bangiga Adduunku diyaar u yahay horumarinta Laydh la wada awoodi karo la iskuna halayn karo"Ujeedadayada ugu weyn ee shaqada halkani waa in aanu xukuumadda ka taageerno sidii loo heli lahaa koronto la isku hallayn karo oo joogto ah mustaqbalka,”Sidaasi ayuu yidhi
Eng Xuseen Ibraahin Buuni wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa wasaaradda macdanta iyo tamarta ku ammaanay mashruucan, islamarkaana sheegay in ay leedahay awoodda ay ku hirgelinayso. Waxa kale oo uu ammaanay shirkadaha korontada waxaanu ku boorriyay in dhinacyadu gacmaha isu qabsadaan mashruucan ahmiyadda weyn u leh bulshada.
Kulanka lagu daahfuray mashruucan waxa wasaaradda iyo Bangiga Adduunka ku wehelinayay hay’addaha GEEL, ADRA, UNDP, shirkaddaha ka ganacsada qalabka tamarta cusboonaata, jaamacadaha, aqoon yahanno iyo shirkaddaha laydhka ee Somaliland oo dhammaantood danaynayay waxyaabaha uu mashruucani xambaarsan yahay iyo macluumaadka la xidhiidha mustaqbalka korontada Waddanka sida loo jaheeyay.