"Somaliland Hadday Shimbiri Ku Jabto Soomaali Oo dhan ayaa ka hadlaysa" Guddoomiyaha Xisbiga UCID

0
Tuesday September 07, 2021 - 20:26:38 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Hadday Shimbiri Ku Jabto Soomaali Oo dhan ayaa ka hadlaysa" Guddoomiyaha Xisbiga UCID

    "Somaliland Hadday Shimbiri Ku Jabto Soomaali Oo dhan ayaa ka hadlaysa" Guddoomiyaha Xisbiga UCID

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland Hadday Shimbiri Ku Jabto Soomaali Oo dhan ayaa ka hadlaysa" Guddoomiyaha Xisbiga UCID


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Soomaalidu ay Dacaayadayso Somaliland, isla markaana ay buun-buuniyaan Qaddiyadaha ka dhanka ah, isagoo sheegay in ay adeegsadaan dad reer Somaliland ah.


"Warbaahiyayaashi cadowga ayaynu noqonay, hadday Shimbiri ku jabto Somaliland Soomaali oo dhan ayaa ka hadlaysa, hadda Guryahooddi way wada xun yihiin innaga ka guri wanaagsan, waa xasad, qaar innaga mida ayay isticmaalayaan" Ayuu yidhi Guddoomiyuhu.


Guddoomiyaha ayaa ku andacooday in dadka reer Somaliland aanay ka hadlin waxyaabaha ka dhaca Soomaaliya, isla markaana wuxuu tusaale u soo qaatay dilka la sheegay in loo gaystay Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd Hay'adda Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA oo uu sheegay in reer Somaliland aanay ka hadlin.

"Hadda Inan baa jirta la waayay oo Ikraan la yidhaahdo oo reer Xamar ah, Inan-taasoo qudha ayay sheegayaane waa 11 inta la waayay, miyaynu ka hadalnaa? Jabuuti miyay ka hadashaa?, Jaabuuti maad aragteen? gaalo ayaa joogta, Jigjiga maad aragteen? gaalo ayaa joogta, Xamar iyada Liido oo dhan ayaa lagu tuntaa, wax ka hadlaaya maad aragteen?" Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in Somaliland nadiif ka tahay waxyaabaha khilaafsan Diinta Islaamka, taasi oo ay kaga horrayso Soomaalida Geeska Afrika, laakiin dadka Somaliland dhaleeceeya aanay taa arkin.

"Waddankeena oo nadiif ah oo qof timo qaawani aanu ku jirin, oo Xashiish aan lagu cabin, oo khamrigu kootarabaan ku soo galo, ayaa layna caayayaa, Diintu markay Geeska Afrika imanaysay Saylac ayay ka soo gashee Xamar kamay soo galin" Ayuu yidhi Guddoomiyuhu

Faysal ayaa marar kala duwan qaybo ka mid ah Soomaalida ku eedeeyay in ay ka been sheegaan isla markaana buun buuniyaan waxyaabaha ka dhaca Somaliland.

Loading...
Loading...