Maxaad Ka Ogtahay Tacadiyada Uu Cali Baqdaadi Ku Macasalaamaynayo Xilkii Laga Xayuubiyey Ee Gudoomiyaha Baanka?
Maxaad Ka Ogtahay Tacadiyada Uu Cali Baqdaadi Ku Macasalaamaynayo Xilkii Laga Xayuubiyey Ee Gudoomiyaha Baanka?
![]() |
Hargeysa(HW):- Muwaadinada Nujuum Bulaale ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah dhacdooyinka tacadiga ah ee gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cali Baqdaadi uu ku macasalaamaynayo xilkii uu awoodiisa ku tagri fali jiray ee dhawaan laga qaaday.
muwaadinadan ayaa soo bandhigtay tacadi ay kala kulantay gudoomiyihii hore ee Baanka oo gaadhi jiidhsiiyey, waxaanay qoraal ay soo saartay ku tidhi sidan:-
mudoo 29 maalmood laga joogo ayuu Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) gaadhi igu dhuftay oo lug dhaawac ka noqday.
Maalintii koowaad ee uu dhakhtarka weyn i geeyey oo nuurad laygu soo xidhay ayaa gudoomiyaha Muuqiisa iyo Hadalkiisaba iigu dambaysay. Adeer sidee tahay hal maalin ah ima soo odhan.
Aniguna masuuliyadda uu umadda u hayo iyo inuu qof la garanayo yahay ayaan ku ixtiraamay oo xitaa aanan Aabahay u sheegin in dhaawac isoo gaadhay. Waayo meel kumaanu wada noolin inuu safarkaa dheer soo galo darteed ayaanan ugu sheegin.
Muddo 14 cisho ah oo nuuradi igu xidhnayd kadib ayaa dhakhtarkii weynaa laygu celiyey waxaana ii yimi wiil lawyer u ah gudomiyaha. Wax sawir ah oo maalintaa dambe lugta la saaray ma jirin, wax dawo ah oo laysoo qorayna ma jirin ee iska tag ayaa laygu yidhi.
Markii aanu soo baxany ayuu wiilkii lawyer,ka ahaa nagu yidhi: Gudomiyuhu wuxuu idinku yidhi haddii lay baahanyahay odoyaal baan leeyahay ee haloo yimaado lugtana hala baxanaaniyo.
Gurigaan imi isla maalintiiba lugtii barar iyo garaac hor leh ayey igu keentay. Muddo afar cisho ah markii aan joogay oo aan socon kari waayey ayaanu wiilkii lawyer,ka ahaa u sheegnay in xanuunkaasi jiro.
Wiilkii wuxuu nagu yidhi dhakhtarka weyn ayaanu ku gaynaynaa gudoomiyuhuna wuxuu igu yidhi: marka medical report, ku soo baxo haddii waxba lagu sheegi waayo warqad iiga soo saxeexa in aanay dib iisoo sheeganayn.
Waxaan ku idhi anigu dhakhtarka weyn oo labo goor oo hore lay geeyey mar sedexaad tegi maayo ee dhakhtar private ah oo Seedaha ah ayaan u baahnahay.
Wiilkii wuxuu nagu yidhi anagu dhakhtarka weyn baanu xogtiisa ku qanacsanahy meel kalena ku gayn mayno. Markaas baanu ku nidhi hadaba gudomiyaha odayaashiisa nagu xidh anagu iyagaanu arinta kala xaali doonaaye.
Wiilkii wuxuu nagu yidhi: gudomiyuhu wuxuu igu yidhi: odayaasha maxaa looga baahan yahay adiga ayaaba lawyer,kayga ah ee hawsha soo dhamee. Ee kaalay aan dhakhtarka weyn ku geeyo warqadaana aad noo saxeexdide.
Intaa kadib Aniga oo buka, dakhtarkii aan doonayeyna aan lay gayn, in warqad layga saxeexayana lay sheegay, odoyaashii ay odoyaashayda isla xaajoon lahaayeena la diiday,
Waxay ila noqotay in aan anigu dhakhtar private ah iska tago oo aan kharashkayga anigu isu qabo. Waayo lugta oo aad ii bararnayd iina garaacaysay waan sii eegan kari waayey, wax aduunyo ah oo uu gudoomiyuhu leeyahayna aniga ima soo gaadhin marka laga reebo caagad Biyo ah oo uu maalinkii uu i jiidhay dukaan iiga iibiyey.
Markii lay waydiiyey: ma sidaas baad dhaawacaaga kaga hadhaysaa? Waxaan idhi iska daaya aniga iyo gudoomiyuhu maalin baanu kulmaynaa aanu lawyer,na wadanin gudomiyana aanu ahayne.
Ugu dambayn Mudadaa bisha ah oo aan fadhiyey, waxbarashooyin iyo hawlo badan oo ii socdayna ay hakad iga galeen, wixii aan xanuun dareemay iyo waxa uu dhawaacaasi dib igaga keeni doonana aanan ogayn markii aan shalay maqlay xil ka qaadista Gudomiyaha ayaan dhacdadaa caruurnimo soo xasuustay. iminkase ILLAAHOOW BAGA odhan maayee SORRY GUDOMIYE ayaan leeyahay.
W.Q:- Nujuum Bullaale.
Loading...
Loading...