Laba Masuul Oo Ka Mid Ahaa Xildhibaannadii Hore Ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo Muqdisho Iska Xaadiriyey Iyo Xubno Kale Oo Ku Jihaysan
Laba kamid ahaa Xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la sheegay in ay muddooyinkii u dambeeyey joogeen Magaalada Muqdisho,kuwaas oo la sheegay inay rejaynayaan inay kamid noqdaan Xildhibaannada cusub ee labada aqal ee Somaaliya.
Labadan Masuul ayaa la sheegay in ay Magaalada Muqdisho u tegaan arrimo siyaasadeed,isla markaana ay doonnayaan inay ka soo muuqdaan saaxada siyaasadda Muqdisho,kuwaas oo ruclo ugu jiray sidii ay uga mid noqon lahayeen Golayaasha cusub ee Xukuumadda Somaliya.
Dhanka kalene labadan masuul ee kamid ahaan jiray Xildhibaannadii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland ee Muqdisho iska xaadiriyey,ayaa kale ah Ibraahin Jaamac Rayte oo a la sheegay inuu dhawaan halkaas tegay iyo Maxamed Axmed Dhakool oo isagu muddooyinkii u dambeeyey la sheegay inuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Geesta kalene Maxamed Axmed Dhakool iyo Ibraahin Jaamac Rayte ayaa la sheegay in ay ku foogan yihiin sidii ay uga mid noqon lahayeen Golayaasha cusub ee Somaliya ama ay uga soo muuqan lahayeen Xukuumadda soo socota ee Somaaliya,waxaanay xogguhu sheegeen in mid walliba uu u ordayo sidii uu uga soo muuqan lahaa siyaasadda Muqdisho.
Waxa kale oo xoggu sheegeen in xubno kale oo ku suggan Magaalada Hargeysa ay iyana qorshaynayaan inay kamid noqdaan kooxda shaqo tago ah ee wakhtigan doorashooyinka Somaaliya u xoogsi tagga Magaalada Muqdisho,kuwaas oo la sheegay inay dhallinyaro iyo siyaasiyiin ka kooban yihiin .