Gadood Shacab Oo Ka Taagan Berbera, Gaadiid Iyo Muwaadiniin Xabsiyada Lagu Guray Iyo Ficilada Guracan Ee Maayar Cidin

0
Sunday September 05, 2021 - 12:33:08 in News by
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gadood Shacab Oo Ka Taagan Berbera, Gaadiid Iyo Muwaadiniin Xabsiyada Lagu Guray Iyo Ficilada Guracan Ee Maayar Cidin

    Gadood Shacab Oo Ka Taagan Berbera, Gaadiid Iyo Muwaadiniin Xabsiyada Lagu Guray Iyo Ficilada Guracan Ee Maayar Cidin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gadood Shacab Oo Ka Taagan Berbera, Gaadiid Iyo Muwaadiniin Xabsiyada Lagu Guray Iyo Ficilada Guracan Ee Maayar Cidin


Hargeysa(HWN):-Magaalada Berbera ayaa maalmihii u dambeeyey ku jirtay gadoon,taas oo aanay ciddna ka soo baxayn, cidna aanay gallayn,waxaana istaagay isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee isaga kala kooshi jiray Magaalada Berbere iyo Gobollada dalka. Kadib markii uu maamulka Dawladda hoose ku amray in ay gaadiidka dadweynuhu tagaan meelmarkaana aanay ku dejin suuqarakaabka ay sidaan oo aanay ka qaadina suuqa rakaabka.

Arrintan ayaa waxa ka biyo-diiday dadweynaha ku dhaqan Magalaada Berbera iyo shirkaddaha gaadiidka dadweynaha,kuwaas oo sheegay inay dhib ku tahay, maadaama oo uu fog yahay istaanka loo sameeyey gaadiidka. Islamarkaana uu culays dhaqaale ku yahay oo marka ay tegayaan dadku istaanka iyo marka ay baabuurta ka soo degaan-ba waxay sii racayaan oo ay soo raacayaan tagsi,kaas oo isna qarash kale ah.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Saaxil Axmed Cali Faxle ayaa arrinta si adag uga hadlay waxaanu yidhi :-" Magalaada Berbera maalintii afraad ayay xidhan tahay oo ay ka xidhan tahay socdaalkii isu-soconayey Gobollada iyo degmooyinka,waxa xidh-xidhay dad iyo gaadiid tiradoodu tahay 50 iyo xafiisyaddii shirkaddaha socdaalka oo dhan ayaa xidhan oo albaabada la isugu dhuftay, arriinkaas waa arrin dawladda hoose ku kooban.”Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga ee gobolkaasi, waxaannu hadalkiisii ku ladhay"Meeshan istaanka laga dhigay ee gaadiidka la geeyey waa meel magalaada ka fog oo dadkii waxay ku noqotay laba nooli ,waana kullayl oo meel qof joogsan karro maaha, meel bilaash loo siiyey maahee waa kan ka bax oo kaa kirayso oo waa kirro oo boqol dollar ayaa la yidhi iska bixiya, Magalaadii waa laga baxayaa dadkiina waxa la yidhi suuqa haku roggin ee halkaas ku deji.”ayuu yidhi Axmed Cali Faxle

Sidoo kale, Guddoomiye Axmed Cali Faxle ayaa sheegay in uu arkayey qof rakaab ah oo gaadhi kaga degay suuqa oo la xidhay "Shallay inan ayaa gaadhi kaga degay suuqa gaadhigii iyo inankiiba waa la isku kaxeeyey oo waa la xidhay. Bulshadu waxay diido in lagu cabudhiyo oo lagu xooggo maaha,waxaan maqlay hoggaamiyayaasha afrikaanku illaa ay dumar kaga oohiyaan oo ay carruur kaga oohiyaan oo weedho yeedho ma gamaan,cuntaduna wax uma tarto.Arrinkaas waa arrin qaldan oo xoog iyo cabudhin ah Ganacsigu waa xor ummadduna waa xor in la cabudhiyo oo xoog lagu muquuniyo.” Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Xildhibaannada Golaha Deegaanku ay arrintan ka aamuseen,isla markaana ay afka ka xidheen,"Golihii deegaanka ee cusbaa ma Agaasimayaal Dawladda Hoose magacowday-baa ,mise waa Xildhibaanno ay Bulshaddu soo dooratay?. Waxa aan leeyahay arrintan ka hadla oo dadka taayirka lala dhacayo miyaanay kuwii doortay ee bacadka u taagnaa ahayn? "Badhasaabka waxaan leeyahay waxa halkaa ka maqan doorkaagiisii oo wuu gabbay.”ayuu yidhi Axmed Cali



Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed oo ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera ayaa arrintaa ka hadlay waxaanu sheegay in meesha aanay ahayn meel ku haboon xilligan in loo raro gaadiidka dad weynnaha,waxaanu xusay in muddo ku fillan oo shirkaddaha gaadiidku ay kaga guuraan xafiisyadoodii aan la siin. Hase-yeeshee albaabada la isugu dhuftay,isla markaana la xidhay masuuliyiinta sideed shirkadood.


Xildhibaan Cabdikarashiid ayaa sheegay in Guddoomiyayaasha shirkaddu ay kullan la yeesheen Wasiir Cabdilaahi Abakor. Isla markaana uu u qoray warqad 45 cisho inay kaga guuraan xafiisyadooda,hase-yeeshee uu maamulka Dawladda hoose ee Berbera dhegaha ka furraystay,waxa kale oo isna warqad taas la mid ah u diray maamulka Dawladda hoose ee Berbera Wasiir Maxamed Kaahin,balse nasiib darro iyadana wax-ba lagama soo qaadin.



Loading...
Loading...