Qoyska Muuse Biixi Oo Xabsiga Ka Sii Daayey Masuul Uu Xidhnaa Maayarka Hargeysa

0
Sunday September 05, 2021 - 12:30:53 in News by
  • Visits: 2448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoyska Muuse Biixi Oo Xabsiga Ka Sii Daayey Masuul Uu Xidhnaa Maayarka Hargeysa

    Qoyska Muuse Biixi Oo Xabsiga Ka Sii Daayey Masuul Uu Xidhnaa Maayarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoyska Muuse Biixi Oo Xabsiga Ka Sii Daayey Masuul Uu Xidhnaa Maayarka Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Madaxii karagsharka Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng Baashe oo daba-yaaqadii Bishii hore uu xabsiga u taxaabay Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge,ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayey maal-mo yar kadib, kaas oo la sheegay inuu hadda debada joogo.




Eng Baashe ayaa dabayaaqadii bishii hore lagu xidhay xarunta Dambi baadhista ee Magaalada Hargeysa,kaas oo la sheegay in xadhigiisa uu amray Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge,waxaana la sheegay in masuulkaa loo xidhay arrimo musuq-maasuq

Geesta kalene illo xog-oggaal ah ayaa noo xaqiijiyey in Eng Baashe laga sii daayey xarunta dembi badadhista Magaalada Hargeysa,kaas oo la sheegay in Madaxweyne Biixi ay isku juffo hoose yihiin,isla markaana la sheegay in xubno qoyska Madaxweyne Biixi kamid ahi ay damiin ku sii daayeen

Si kastaba ha-ahaatee Madaxii karagsharka Dawlada Hoose ee Hargeysa Eng Baashe oo uu xabsiga dhigay Maayarka Hargeysa dhammaadkii bishii hore,isla markaana loo haystay arrimo musuq-maasuq ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayey


Loading...
Loading...