Shacabka Somaliland Oo Soo Dhaweeyey Xil Ka Qaadistii Wasiir Khaliil

0
Sunday September 05, 2021 - 12:28:18 in News by
  • Visits: 1439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Somaliland Oo Soo Dhaweeyey Xil Ka Qaadistii Wasiir Khaliil

    Shacabka Somaliland Oo Soo Dhaweeyey Xil Ka Qaadistii Wasiir Khaliil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Somaliland Oo Soo Dhaweeyey Xil Ka Qaadistii Wasiir Khaliil

Hargeysa(HWN):-Shacabka reer Somaliland, ayaa si weyn u soo dhaweeyey xil ka qaadistii Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,waxaanay sheegeen inay soo dhaweynayaan xil ka qaadistaa lagu sameeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta.

Shacabkka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyey xilka qaadistii wasiirkii diinta iyo Aw-qaafta Somaliland,kaas oo khamiistii toddobaadkii ina dhaafay uu xilkii ka qaaday Madaxweyne Biixi

Shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-"Madaxweynuhu wuu ku mahadsan-yahay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta muddo baddan ayuu soo joogay,Khilaaf farra baddan oo arrimaha diinta ka dhashay ayaa ka dalka ka jiray,aad ayaan u soo dhaweynayaa in wasiirka diinta xilka laga qaado .”ayey sheegeen

Dhanka kalene waxay sheegeen in wasiir khaliil intii uu xilka hayey ay noqotay wasaaradda diinta mid fadhiid ah "Wasiiro in baddan fadhiyey oo qaar ay hawlahoodii ka gaabiyeen sidda wasiirka diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil aad ayaanu ugu faraxsanay in xilka uu ka qaaday Madaxweynuhu .”ayey sheegeen.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in wasiiradda uu xilka ka qaaday Madaxweyne Biixi uu dantiisa ka arkay,haseyeeshee Wasiir Khaliil uu illaahay eryey "Ma Wasiiradda inta kale Madaxweynaha ayaa eryey oo dantiisa ka arkay,lakiin wasiir illaahay ayaa eryey Sheekh Khaliil.”ayey yidhaah-deen

Anagu Ma Hayno Meel Carruurteena Kiristaan Loogu Dhigo, Mana Jirto..” Wasiir Khaliil | Ilwareed Online



Loading...
Loading...