Somaliland Oo Qayb Ka Noqonaysa Dagaalka Dekedaha Iyo Aragtida Jabuuti Ka Qabo Maalgashiga Dp World Ee Berbera

0
Sunday September 05, 2021 - 12:11:49 in News by
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Qayb Ka Noqonaysa Dagaalka Dekedaha Iyo Aragtida Jabuuti Ka Qabo Maalgashiga Dp World Ee Berbera

    Somaliland Oo Qayb Ka Noqonaysa Dagaalka Dekedaha Iyo Aragtida Jabuuti Ka Qabo Maalgashiga Dp World Ee Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Qayb Ka Noqonaysa Dagaalka Dekedaha Iyo Aragtida Jabuuti Ka Qabo Maalgashiga Dp World Ee Berbera


Wargeyska Financial Times oo ah Wargays caan ah kana faalooda Arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha ayaa Warbixin dheer ka qoray 2-dii Bishan Marsada weyn ee Magaaladda Berbera iyo Horumarka laxaadka leh ee ay ku talaabsatay Mudooyinkii u danbeeyay.



Warbixintan oo ay soo Turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa waxaa Halku dheg u ah‘’Somaliland waxay u diyaar garoobaysaa Ka qayb galka dagaalka loogu jiro dekedaha’’,Waxa uu Wargayskani sheegay in Markab sita calanka dalka Itoobiya uu ku soo xidhay dekedda Berbera isla markaana uu rogay shixnado isugu jira sonkor iyo bariis ah oo uu ka keenay dalka Hindiya, Waxa uu Wargaysku arrintaas ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay gashay marxalad cusub oo ganacsiga caalamiga ah.

Wargeyska Financial Times Waxa uu Warbixintiisa ku xusay in Shirkadda DPW ay dekedda Berbera gelisay ku Maalgelisay adduun dhan 442 Milyan , Wargayska ayaa sheegay in Magaaladda Berbera ay maanta soo ceshanayso ganacsigii qadiimiga ah ee ay qarniyo ka hor la lahayd dunnida, Isla markaana ay bilaabayso inay dagaal u gasho Marin badeedka ay ku taalo ee ay maraan Saddex dalooloow meel doonyaha dunnidu .

Waxaa kale oo warsidahani xusay in dekeda berbera ay u muuqato mid beddesha dekedda Jabuuti Isla Markaana ay noqon doonto albaabka laga galo Marinnada ganacsi ee Kanaalka Suways.

Wargeyska Financial Times Waxa uu Warbixintiisan ku faaleeyay Taariikhda soo jireenka ah ee ay magaaladda Berbera leedahay, Waxaanu sheegay in Magaaladda Berbera ay mar ahayd Magaalo madaxdii Maxmiyaddii Ingiriiska Somaliland Waxaa kale oo warbixintu xustay in Magaaladda Berbera ay Sodon sanno ka hor Xarun ganacsi u ahayd Geeska Africa, Jasiiradda Carabta iyo Hindiya iyo muhiimadda halka ay ku taal awgeed ee Gacanka Cadmeed.

Maayarka Magaaladda Berbera Cabdi-Shakuur Maxamud Xasan Cidin ayaa u Sheegay Wargayska Financial Times in berberi ay haysato fursad kale oo ay ku noqonayso xarun ganacsi oo caalami ah isagoo hoosta ka xariiqay inuu jiri doono tartan toolmoon oo u dhexeeya dekedaha jaarka.

Wargayska Financial Times Wuxuu warbixintiisan ku sheegay in dekedda Berbera oo xadhiga laga jaray bishii June ee sannadkan ay qaabili karto inay ku soo xidhaan Maraakiibta ugu waaweyn ee dunnidu Maadaama Shixnada ay qaadi karto lagu soo Kordhiyey 150,000 TEU, (oo ah Cabirka Shixnadaha) sannadkii iyada oo la gaadhsiiyey 500,000 TEU ah sannadkii, Isla markaana laga shaqaynayo in la gaadhsiiyo Sannadkii laba milyan.

Waxa uu Wargaysku sheegay in Ujeedada ugu weyn ee Isbedelkaas loogu samaynayo dekedda Berbera ay tahay in dekedaasi u adeegto Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Africa.

Maareeyaha guud ee DP World Suldaan Axmed Binu Sulaymaan, ayaa sheegay in Berbera ay noqon doonto mid aad ugu habboon ganacsiga gobolka ka socda, gaar ahaan shixnadaha u socda dalka Itoobiya, Waxaa kale oo Maareeyaha DP World uu sheegay inay aaminsan yihiin in Jidka isku xidhaya Berbera ilaa Addis ababa uu fure u noqon doono ka faa’iidooyin dhaqaale oo waaweyn oo u soo hoyda Itoobiya iyo Somaliland.

Wargaysku waxa uu xusay oo kale in Mashruuca Jidka isku xidhaya Berbera iyo Magaalo xudduudeedka Tog wajaale la rajaynayo inuu dhamaado sannadka 2022, waxaanu intaas ku daray in Somaliland ay u baahan tahay inay horumariso kaabayaasheeda dhaqaale waxaa kale oo ay Warbixintani sheegtay in Somaliland ay xidhiidh wanaagsan la leedahay Taywan.


Loading...
Loading...