Dekedda Berbera Oo U Diyaar-garoobaysa Dagaal Ay La Gasho Dhiggeeda Jabuuti

0
Sunday September 05, 2021 - 10:27:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda Berbera Oo U Diyaar-garoobaysa Dagaal Ay La Gasho Dhiggeeda Jabuuti

    "Jabuuti boqolkiiba boqol kuma qanacsana maalgashiga DP World ee Dekedda Berbera.." Maayirka Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jabuuti boqolkiiba boqol kuma qanacsana maalgashiga DP World ee Dekedda Berbera.." Maayirka Berbera

Berbera (HWN) – Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa isku diyaarinaysa sidii ay u soo ceshan lahayd Xiisiihii Ganacsi ee Dunidu qabtay wakhtiyada qaar, ka dib markii Shirkadda Dekedaha Maalgelisa ee DP WORLD ku horumarisay $ 442 oo dollarka Maraykanka ah.

Wargeyska wax ka qora dhaqaalaha Dalalka Adduunka ee Financial Times, ayaa War-bixin dheer oo uu ka qoray Horumarka Dekedda Berbera, qorsheyaasha Mustaqbalka iyo Tartanka ay la galayso Dekedaha Dalka Jabuuti, kuwaasi oo War-bixintii u dambaysay ee 2020 ee Baank Adduunku sheegtay inay maraan inta badan Alaabooyinka Itoobiya u socda.

War-bixintan oo uu Wargeysku Ciwaan uga dhigay ‘inay Somaliland u diyaar-garoobayso inay Dekedaha Gobolka la gasho dagaal Caafimaad-qaba’, ayaa wuxuu ku sheegay in xilliga uu War-bixinta diyaarinayey uu Dekedda ku xidhnaa Markab sita Calanka Itoobiya oo Sonkor iyo Bariis ka soo waariday dalka Hindiya.

Wargeysku wuxuu sheegay in Markabkani uu Calaamad u yahay ‘Waa cusub oo u baryey Dekedda Berbera ee Somaliland oo shirkadda dekedaha ee fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ku Maalgelisay $ 442 Milyan oo dollar, waxaanu Wargeysku uu War-bixintiisa ku yidhi "Berbera waxay isu diyaarinaysaa sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd xiisihii ganacsi ee qarniyadii hore, iyada oo samaysatay Deked ay kaga dagaal gasho marinka ay ku taallo oo qiyaastii ay maraan saddex meelood meel maraakiibta Adduunku..” ayuu yidhi Financial Times, waxaanu intaa sii raaciyey in Dekeddu maaddaama oo casriyeyn lagu sameeyay ay noqonayso Beddelka Dekedda Jabuuti, iyadoo noqon karta Marinka ay maraan Maraakiibta ka soo gudba Marin-biyoodka Kanaalka Suez.

Wargeysku wuxuu sheegay in Magaalada Berbera ay mar ahayd caasimaddii maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland, laakiin ay burburtay dagaalladii Somaliland ka dhacday dhowr iyo labaatan sanadood ka hor "Waxay ahayd xudunta ganacsiga badda ee u dhexeeya Geeska Afrika, Jasiiradda Carabta iyo Hindiya, taasi oo ay ugu wacan tahay meesha muhiimka ah ee ay ku taallo oo ah Gacanka Cadmeed ee ka soo horjeeda Yemen.” Ayuu sheegay

Duqa Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) oo la hadlay Financial Times ayaa yidhi "Hadda, waxaanu heleynaa fursad kale oo aan ku noqon karno xarun ganacsi oo caalami ah.”

Maayarku wuxuu intaa ku daray "Waxaa jiri doona tartan caafimaad-qaba oo u dhexeeya dekedaha deriska ah”

Tarminaalka Dekedda Berbera ayaa wakhtigii hore awood u lahaa inay sannadkii ka soo degi karaan 150,000 Koontiinar, balse hadda oo lagu daray dekedda 400 Mitir waxa qorshuhu yahay inay sannadkii ka soo degaan 500.000 Koontiinar.

"Ujeeddada ugu weyn ee dekedda Berbera, waa in loogu adeego Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, kaasi oo u baahan dhowr marinood..” sidaa waxa sheegay Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa fulinta dekedda Berbera ee Shirkadda DP World.

Wargeysku wuxuu intaa ku daray "Eritrea waxay ka go’day Itoobiya 1993-kii, waxayna ka tagtay Itoobiya oo aan bad lahayn, sidaasi darteed Itoobiya waxay ku tiirsan tahay deriskeeda Jabuuti si ay u hesho deked. Jabuuti ayaan hore tartan ugula jirin Dekedaha Gobolka, waxayna sida uu sheegay Bangiga Adduunka in ku dhawaad ??95 boqolkiiba xamuulka Itoobiya uu soo mari jiray Dekedda Jabuuti, halka inta soo hadhayna ay u soo mari jireen Port Sudan iyo Mombasa oo Kenya ah.

War-bixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dekedda Jabuuti ahayd Dekedda Cabbirka Dekedaha marka la eego ugu wax-ku-oolsan, balse Sultan Ahmed bin Sulayem, oo ah guddoomiyaha DP World, ayaa sheegay in Berbera ay noqon doonto Dekedda ugu wax-ku-oolsan Ganacsiga Gobolka, gaar ahaan xamuulka u socda Itoobiya. "Waxaan

aaminsanahay in horumarinta waddada Berbera oo laga dhigo mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee ganacsiga iyo saadku ay u furi doonto Itoobiya faa’iidooyin dhaqaale oo aad u weyn..” ayuu yidhi.

Laakiin, hamigaa sare ee Dekedda Berbera lala rabo ma ayna soo dhaweyn Jabuuti, sida uu sheegay duqa Berbera "Jabuuti boqolkiiba boqol kuma qanacsana maalgashiga DP World ee dekeddeena” ayuu yidhi Maayarka Dekedda Berber


Loading...
Loading...