Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay DDS

0
Sunday September 05, 2021 - 08:40:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay DDS

    Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Gaariga shilka galay uu burbur xoogan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Gaariga shilka galay uu burbur xoogan




Shilka ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Jigjiga oo ah Xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii uu rogmaday Gaari, ay saarnaayeen mas’uuliyiin, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday Gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen mas’uuliyiin iyo Xubno ka tirsan Ururka ONLF, waxaana la sheegay in uu ku dhintay Shilka Nin lagu Magacaabi jiray Cabdi Saxane Cumar oo ahaa Abaanduulihii Ciidamada Jabhadda ONLF, waxaana dhaawac culus uu soo gaaray walaalkiis.

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Gaariga shilka galay uu burbur xoogan soo gaaray, waxaana dadka ku dhaawacmay shilkaas la geeyay Isbitaalka Sheekh Xasan Yabare ee Magaalada Jigjiga si loogu daaweeyo.

Magaalada Jigjiga iyo degaannada ku dhow dhow ayaa sanaskaan 2021 waxaa kusoo batay shilalka Gaari, waxaana shilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay ku geeriyooday Shacab iyo mas’uuliyiin.

 

Loading...
Loading...