Maalinta 18TH May Ninkaan Ogolayni Somaliland Ma Ogola.
Dad Islaama baynu nahay ,
la iskuma xoqi Karo CIIDAL FITRIGA IYO CIIDAL
ADXAA WAA LABA CIIDOOD OO ALLAH XURMEEYEY MID WALBA SIDEEDAY CIID U
TAHAY ALLAH BAANA DOORTAY. Ciidaha ama dabaaldegyada kale ee dadku
samaysto ee wadaniga ah sida 26 June 1960 ama 18 May iyana waa laba
dabaal Deg oo WADANI ah oo mid walba xaalad ummadda khusaysa KU Timi oo
muhiima . Ta hore gaalkii inagoo Muslim ah inoo talinayey baynu erinay
oo Nidhi Gaalnimo nagu Xukumi maysid iyo wadankayaga Guul bay ahayd la
wada hubo oon la ilaabi karayn. Tan Kale 18 May 1991 guul kale oo aad u
umuhiima bay ahayd oo LAGA Soo noqday isku darkii Somalia iyo Somaliland
oo sababta u weyni ahayd markii la arkay khasaaraha baaxadda leh ee
ummadda REER Somaliland Kala kulantay ISKU DARKAA AAN LA MAAHADIN REER
SOMALILAND OO DHAMI DARAF ILAA DARAF LANA ARKAY 1991 KII WAXA SOMALIYA
KASOO SOCDA OO RAJO BEEL AHAA OO ILLAA YAWMANAA HADAA KA SOCONAYA
SOMALIYA OO 18MAY AY NOQOTAY MAALINTA AH HANGOOLKII LA ISKAGA QABTAY
DAGAALADA IYO QARAXYADA KA SOCDA WELI SOMALIYA. FRUIT KA NOOCAAS AH
DADKAN SNM LAHU TILMAAMAA OO QUDHI MA CUNAAN EE REER SOMALILAND OO DHAN
BAA WADA CUNA FAAIIDOOYINKA NABADDA AH EE 18 MAY REER SOMALILAND U WADA
KEENTAY.
Arinta maamulka Dalka looma dhamma isumana dheeli tirra waa run oo
qabaail gaara baa u Dawladdii ISKU koobay way jirtaa laakiin taasi 18
May maaha. 26 June BA markay dhalatay Maamul xumo iyo musuqmaasaq a wuu
lahaa dalku ee 18May iyo 26 June labadaba reer SOMALILAND OO DHAMI
LAABTA Ha u sii daayaan oo si wacan ha ogolaadaan .
Labada Prof. Waan KU raacsanay boqolkiiba boqol tabliiqooda
SOMALILAND san laakiin HADAL Ka haddaan HALKUU leeyahay la dhigin xikmad
guurbaa KU dhaca, xaqu Wuxuu leeyahay WAAR BEELAHA DARAFYADAW WAXA
IDINKA MAQANI BEESHA DHEXE EE ISKA INDHA TIRAYSAAN WUU KA MAQANYEY OO
ARAB IYO GARXAJIS OO KAADIDOODA U SOO CABBAYBA WAXA IDINKA MAQAN XAGGA
WADA LAHAANSHAHA DAWLADDA IYO SAAMI QAYBSIGA WUU KA MAQANYEY OO
SOMALILAND CIDINA CID UGA MARTI NOQOMAYSO WAA RUN LAAKIIN 18 May waynu
wada leeyahay. Xagga ictiraafka Abdi Qays baa beri riwaayad DHIGAY ay KU
jirtay HADDAAD DAASAD KU DAAFAD KA SOO QAADATO OOD TOOSTOOSISATID CID
UUN BAA KU ODHAN KEEN BIYAA AAN KU CABBEE , CID UUNBAA SOMALILAND U IMAN
ADDUUN WEYNAHA WAX KU DARSAN OO ICTIRAAFI WAA HUBAAL TAASI WAAYO
WADANKU WUXUU KU YAAL MEELAHA ADDUUNKA UGU QAALISAN.
Aniga Manifest tadaydu waxay HALAWADA QAATO 26 JUNE IYO 18 MAY SIDA
CIIDAL FITRIGA IYO CIIDAL ADXAA ISAMANA DIIDAYAAN EE WAA LA IS WAAFAJIN
KARAA LABADA XADIIS, LAAKIIN NINKII 18 MAY DIIDANAW WAXAAD DIIDANTAY
WAA SOMALILAND.
MUSHKILADA SOMALILAND WAXAY U BAAHANTAY BREAKDOWN . NO SOLUTION OF
ANY PROBLEM WITHOUT MAKING BREAKDOWN THE PROBLEM ITSELF. SOMALILAND WAA
LA WADA LAHAA KULMIYE KA HOR IMIKAY DAWLADDII BOOBEEN REERNA MAAHA EE
DAD TIRSAN OO KU DANAYSANAYA DANGUUD BOOBKA MARKAA BEESHA DHEXE WAXAY U
DULMANTAY SIDA DARAFYADA OO KALE . DADKA YAAN LA MARIN HABAABIN SNM
WAXAN JIRA MAY SAMAYN .
M BASHE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...