Amiirada Charlene ta Monaco ayaa miyir daboolantay waxaa na la dhigay isbitaal

0
Saturday September 04, 2021 - 08:36:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiirada Charlene ta Monaco ayaa miyir daboolantay waxaa na la dhigay isbitaal

    Dabaalgedii luulyo ee ahaa 10 sano guurada guurka amiirka & amiirada ayaan loo dabaal-degin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabaalgedii luulyo ee ahaa 10 sano guurada guurka amiirka & amiirada ayaan loo dabaal-degin




Amiirada Charlene ee Monaco, ayaa isbitaal ku yaal Koonfur Afrika la dhigay ka dib markii ay miyir beeshay, waxay ku jirtaa xaalad "xasilloon”, ayay tiri qof u hadlay hay’adeedu Jimcihii..

 

Xaaska Amiir Albert oo reer Monaco ah, oo 43 jir ah, dhalasho ahaana ka soo jeeda Koonfur Afrika, ayaa la seexiyay habeenimadii Arbacada isbitaal ku yaal Durban ee Kwazulu-Natal. Waxaase la fasaxay subaxnimadii Jimcaha.

 

Charlene ayaa ambulance lagula cararay goor dambe oo Arbacadii ah kadib markii ay u miyir beeshay xanuun dhegta, sanka iyo cunaha ka hayey oo ku dhacday bishii May, ”ayaa lagu yiri bayaan la soo saaray.

 

"Kooxda caafimaadka ee amiiradda ayaa hadda baadhaya caafimaadkeeda waxayse xaqiijiyeen in amiiraddu hada deggan tahay,” sida uu sheegay qof u hadlay hay’adeeda samo-falka ee fadhigiisu yahay Koonfur Afrika.

Charlene ta Monaco ayaa dalka u joogtay dhowr bilood si rasmi ah si ay uga soo kabato caabuqa ku dhacday.

 

Waxay ahayd in qaliin lagu sameeyo bishii la soo dhaafay, taas oo faahfaahinteeda si yar loo shaaciyay. Amiir Albert iyo carruurtoodu waxay u yimaadeen inay la joogaan inta ay baxnaanada ku jirto.




"Wax badan ayay dhibaatootay,” Chantell Wittstock, oo ah agaasimaha hay’ada ayaa u sheegay AFP. Saxaafadda caalamaiga ah kuwooda caanka ah ayaa dhowaan mala-awaalay in uu jiro furriin iyo kalatag dhexmaray lamaanaha boqortooyada, taas oo ay sabab uga dhigeen maqnaanshaha dheer ee amiiraddu ka maqnayd reerkeeda.

 

Dabaalgedii luulyo ee ahaa 10 sano guurada guurka amiirka & amiirada ayaan loo dabaal-degin maqnaanshaha amiiradda awgii. Dabaal yahanada Charlene Lynette Wittstock, oo dhalatay 1978, waa xaaska Amiirka Monaco tan iyo 2011.


 

Af-celinta Walwaal

Loading...
Loading...