Ex. Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe Oo Ka Hadlay Xil Kaqaadista Lagu Sameeyay

0
Friday September 03, 2021 - 12:30:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe Oo Ka Hadlay Xil Kaqaadista Lagu Sameeyay

    "markaa uma hamuun qabo xil"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"markaa uma hamuun qabo xil"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyihii hore ee ha'yadda shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa ka hadlay xil ka qaadista uu Muuse Biixi ku sameeyay, Waxaanu qoraal uu baahiyay Gudoomiyuhu ku yidhi Sidan:-



Isbedelku waa dabciga nolosha oo ah in ay maalinba si u egtahay, waxa taas la mid ah sunnaha dawladnimo oo ay aasaas u tahay in xilku qori isu dhiib yahay oo qofba inta Allah u qadaro joogayo, Ilaahay ha ku asturo inta masuuliyad xilleed loo magacaabay maanta oo uu ugu horreeyo gudoomiyaha xilka aan ku wareejin doono, madaxwaynuhuna waa ku mahadsan yahay go’aankiisan xilka qaadista, waayo isaga ayuunbaa isla xilkan hore iigu xushay. Dalka waxaan ka soo qabtay xilal badan oo kala duwan oo wasiirnimo iyo xilkan aan wareejin doonaa ka mid yihiin, markaa uma hamuun qabo xil ee waxaan ku faraxsanay inaan qarankayga u soo shaqeeyay intii itaalkay iyo awooday ah.

Tu’san

Loading...
Loading...