"Muuse Biixi Muxuu Ugu Abaalguday Dadka Sida Hagar La,aanta Ah Ugu Maamuusay Kursiga Looga Taliyo Dalka"Xil Ku Cadeeye

0
Wednesday September 01, 2021 - 16:33:24 in News by
  • Visits: 1915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Muxuu Ugu Abaalguday Dadka Sida Hagar La,aanta Ah Ugu Maamuusay Kursiga Looga Taliyo Dalka"Xil Ku Cadeeye

    "Muuse Biixi Muxuu Ugu Abaalguday Dadka Sida Hagar La,aanta Ah Ugu Maamuusay Kursiga Looga Taliyo Dalka"Xil Ku Cadeeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Muxuu Ugu Abaalguday Dadka Sida Hagar La,aanta Ah Ugu Maamuusay Kursiga Looga Taliyo Dalka"Xil Ku Cadeeye
Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed Dayib Ku-Cadeeye ayaa ka hadlay abaalgudka ay Muuse Biixi ka heleen dadkii u codeeyey ee u sahlay inuu hogaamiyo dalka.

May be an image of 3 people and people standing



xildhibaan Sheekh Axmed Ku-cadeeye ayaa war uu soo saray kaga waramay, waxyaabaha uu Muuse Biixi ugu abaalguday dadkii ku maamusay inuu fuulo kursiga looga taliyo dalka, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-

"Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ugu abaal guday dadkii sida hagar la'aanta ah ugu maamuusay kursiga looga arrimiyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ?"Waxa qoray Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye 

Dareenka iyo filashadu halkii Shalay ma joogaan. Waxay ila tahay in aanay:

1- Madaxweyne Biixi hal arrin hodin.

2- Musharrax Madaxweyne Cirro hal arrin hodin.

3- Beesha Sacad Muuse hal arrin seegin.

4- Beesha Habar-yoonis hal arrin seegin.

5- Somaliland inta kalena hal seegin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waa in aaney hodin guushii ballaadhneyd ee uu ku haaneeday qasriga looga arrimiyo Jamhuuriyadda Somaliland 13 Nov. 2017kii, oo ku timid shan arrimood oo kala ah:

1- xukuumaddii xilligaa oo xisbiga Kulmiye hogaaminayey.

2- Beelweynta Habarjeclo oo si har la'aan ah uga abaal celineysay dhismihii Beesha Sacad Muuse dhistey Madaxweyne Siilaanyo.

3- Beelweynta Ciise Muuse oo si har la'aan ah uga abaal celineysay dhismihii Sacad Muuse dhisay Madaxweyne Cigaal Rabbi Jannatul-firdawsa ha ku galladee.

4- Beesha Sacad Muuse oo aan marna Somaliland Madaxweyne ka noqon oo lahayd waa markayagii.

5- Bulshada kale ee Somaliland oo filasho-weyn ka qabtey hoggaamin taariikhdu xusi doonto Madaxweyne Muuse Biixi.

Haddaba intaas oo isbiirsatey ayaa dhalisay guushii Mar la aragteyda ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka ku haaneeday.

Waxayse tahay su'aashu:

1- Madaxweyne Muuse Biixi muxuu ugu abaal guday dadkii sida hagar la'aanta ah ugu maamuusay kursiga looga arrimiyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ?!!!.

2- Ma dhabawday filashadii mugga lahayd ee reer Somaliland ka qabeen hogaaminta Madaxweyne Biixi ?!!!.

3- Maxaase keeney afar Sano ka dib in uu raadiyo taageerayaal laxaad leh oo uu geeska galiyey markuu guusha hantiyey 13 Nov. 2017kkii?!!.

La soco ...
Qaybtii 2aad
Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye

Loading...
Loading...