Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dugsanaya Wax Ka Xun Wixii Uu Ku Eedayn Jiray Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale

0
Wednesday September 01, 2021 - 15:34:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dugsanaya Wax Ka Xun Wixii Uu Ku Eedayn Jiray Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dugsanaya Wax Ka Xun Wixii Uu Ku Eedayn Jiray Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Dugsanaya Wax Ka Xun Wixii Uu Ku Eedayn Jiray Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa u muuqda inuu dugsanayo wax ka xun wixii uu shallay ku eedayn jiray Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.



Wasiir Maxamed Kaahin oo si weyn u mucaaradi jiray Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa marar baddan ku eedayn jiray in aanay sharciga iyo dastuurka ku dhaqmin,isla markaana wuxuu ugu baaqi jiray inay sharruucda dalka ku dhaqmaan”Waxa qudha ee Qaranka loo hawlgalaa ha noqoto in sharcigiisa la illaaliyo oo waliba ay illaaliyaan cidda sharciga maanta kursiga ku fadhida ,dastuurka iyo shuruucda ka fasirantay ha la illaaliyo.”ayuu yidhi Maxamed Kaahin wakhtigaa.

Dhanka kale, Maxamed Kaahin ayaa inta baddan ka caban jiray Warbaahinta Qaranku in ay caydo madaxda Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE,waxaannu ku baaqi jiray in arrintaas la joojiyo

"War-baahinta Qaranka ha laga daayo gacan maroojinta,waar tan anniga la igu caayayaa guul keeni mayso ee axsaabta lagu caayayo.”Ayuu yidhi Maxamed Kaahi.

Geesta kalena, arrimahan uu shalay Maxamed Kaahin ku eedayn jiray Xukuumaddii Madaxwweyne Riyaale,waxa baro dheeraysay oo ka baddisay Xukuumadda uu hadda ka mid yahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi,taas oo ficiladaas iyo qaar ka darran-ba ku kacday,isla markaana loogu baaqo in ay ku soo noqoto sharciga dalka iyo dastuurka.

Warbaahinta Qaranka ayaa si joogta ah mar walba hadda u weerarta Madaxda Xisbiyadda UCID iyo WADDANI,taas oo ay cabasho ka muujiyeen masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaradku,hase yeeshee aan dheg-jalaq loo siin,waxaanay u muuqdaan qaar ka sii darray,iyadoo ay Bulshada reer Somaliland arrintan si weyn uga biyo diideen,isla markaana ay baraha bulshada ku dhalliileen Tv-ga Qaranka iyo warbaahinta kale ee Dawladda.

Si kastaba ha-ahaatee Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ayaa u muuqda inuu yahay nin dugsanaya wax ka xun wixii uu shalay ku eedayn jiray Madaxweyne Riyaale iyo Xukuumaddiisa.

Loading...
Loading...