Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Mooshin 16 Xildhibaan Saxeexeen

0
Wednesday September 01, 2021 - 10:22:56 in News by
  • Visits: 1553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Mooshin 16 Xildhibaan Saxeexeen

    Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Mooshin 16 Xildhibaan Saxeexeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Mooshin 16 Xildhibaan Saxeexeen


Shirguddoonka Golaha Wakiilladda Somaliland, ayaa 26 Xildhibaan oo golaha ka tirsani ugu soo gudbiyeen Mooshin ku saabsan ka doodista Xeerarka Sahaminta Shidaalka iyo Shaqaalaha dowladda oo Golaha Guurtidu dib ugu soo celiyey Wakiillada.

Xildhibaan Mooshinka Akhriyaya

Xildhibaan Mooshinka Akhriyaya

Labada Xeer oo Guurtidu dib ugu soo celiyey Wakiillada, ayey ansixiyeen Xildhibaannada Golihii hore ee WakiilladaSomaliland, waxaanay 16ka Xildhibaan ee Mooshinka ka keenay dalbadeen in qodob kasta oo labadaas Xeer ka kooban yihiin laga doodo, maaddaama oo Golihii hore ee Wakiilladu ansixiyeen oo aan golahan cusub hadda ka hor aanay door ku lahayn.

Markii Moonshinka soo jeedinta ah ay Xildhibaannada saxeexay laba ka mid ahi Golaha ka hor akhriyeen dalabkooda, ayww Guddoomiyaha Golaha Wakiillada California Khaliif Axmed, waxa uu soo jeediyey in cod la geliyo Mooshinka Mudanayaasha, oo aqlabiyad ku ansixiyey.

"Golaha waxa fadhiya 60 Mudane, waxaana oggolaaday in laga doodo qodobbada Xeerarkaas 58 Xildhibaan, Hal Mudane ayaa diiday, hal Xildhibaanna wuu ka aamusay, Guddoomiyihuna muu codsyn, sidaas ayaanu ku ansaxay Mooshinkaasi.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Geesta kale, isla fadhigii maanta ee Wakiillada, waxaa hor tegay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, kaas oo ay Xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen Xeerka Shaqaalaha iyo weliba xaaladaha ay Shaqaalaha qaarkood ku hawlgalaan, isagoo ka jawaabay su’aalaha Mudanayaasha ka tirsan Golaha Wakiilladu


Loading...
Loading...