Maxay Tahay Sababta Uu Muuse Biixi Uga Horyimid Xeerkii Uu Shalay Dabada Ka Riixayey Ee Furista Ururada Siyaasada

0
Wednesday September 01, 2021 - 10:18:07 in News by
  • Visits: 2242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Sababta Uu Muuse Biixi Uga Horyimid Xeerkii Uu Shalay Dabada Ka Riixayey Ee Furista Ururada Siyaasada

    Maxay Tahay Sababta Uu Muuse Biixi Uga Horyimid Xeerkii Uu Shalay Dabada Ka Riixayey Ee Furista Ururada Siyaasada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Tahay Sababta Uu Muuse Biixi Uga Horyimid Xeerkii Uu Shalay Dabada Ka Riixayey Ee Furista Ururada Siyaasada


Muuse Biixi Cabdi,ayaa dhawaan Golaha wakiillada dib ugu soo celiyey ‘xeerka nidaamka ururrada iyo axaabta siyaasada (XEER No. 14/2011)’,kaas oo ay Golihii hore ee Wakiilladu iyo Golaha Guurtida ansixiyeen,isla markaana ay dhowaan u gudbiyeen Golaha guurtidu.

Madaxweyne Muuse Biixi oo wareysi siiyey VOA


Madaxweynaha Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ayaa xeerkan (XEER No. 14/2011)markii hore debada ka riixayey,kaas oo kaabista iyo wax ka baddel ay ku sameeyaan Xildhibaannadii Golaha Wakiillada ee taabacsanaa KULMIYE,kuwaas oo ay kamid ahayeen Cabdiramaan Dheere iyo Cabdilaahi Balaaki,isla markaana uu Golihii hore ee Wakiillada ku ansixiyey dur-duro,kaas oo ay isku dhaafiyeen markiiba dhanka Golaha Guurtida Somaliland.

Xeerkan (XEER No. 14/2011) ee ay duduucaysay Xukuumadda KULMIYE ayaa gaadhay Golaha Guurtida Somaliland,waxaanay Xildhibaannada iyo shir guddoonka oo u muuqday kuwo amarka Xukuumadda KULMIYE fullinayey ay iyana si dur durro ahku ansixiyeen,kaas oo ay si deg deg ah ugu gudbiyeen Madaxtooyadda oo xeerkan wadatay.

Haddaba waxa si weyn la isku weydiinayey maam-mihii u dambeeyey sababaha Madaxweyne Biixi oo xeerkan loo arkayey in uu dabada ka riixayey ansixintiisa uu hadda dib ugu soo celiyey Golaha,waxaanay ku dooddayaan fallaqeeyayaasha qaar in Madaxweyne Biixi uu doonnayey in uu kula gor-gortamo xeerkan Xisbiyadda Mucaaradka ah,balse ay u socon weyday,isla markaana uu dantiisa siyaasadeed u arkay soo celinta xeerka markii lagaga guullaystay shir guddoonka oo uu is dhiibay,halka qaarna ay sheegayaan in uu u arkay in haddii uu furro ururrada ay UCID iyo WADDANI qaar kaga darran ku soo bixi karraan,isla markaana uu qiiro qiiro gelli doonno Xisbiga KULMIYE oo u kale baxi doonno Barri iyo Galbeed.

Geesta kalene Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu soo celinta xeerkaas u addeegsatay afar qoddob oo kale duwan,kuwaas oo ay kamid yihiin doorashada ururrada iyo inay isku beegan yihiin doorashada Madaxweynaha oo dastuuriya, halka qoddobka labaad uu ku sheegay in doorashadii Golaha Guurtida oo ah doorasho dastuuriya iyo diiwaangelintii ururradu ay iyana isku beegmeen

Dhanka kalena Madaxweyne Biixi ayaa la aaminsan yahay in uu xeerkan u soo celiyey danno siyaasadeed oo u gaar ah isaga,isla markaana uu ka arkay dantiisa,wallow la sheegayo in doorashada Madaxtooytadda la fillayo inuu wakhtigeeda ku qabanayo sannadka dambe,isla markaana aanu muddo kordhin dalban doonnin,balse haddana illaa hadda ma kale cadda arrinkaas,haseyeeshee haddii uu ku dhiiraddo arrintaaswaxay noqon doontaa tallaabo horumar ah oo aan isaga ciddi uga horeyn.


Loading...
Loading...