Muranka Kuraasta Gobolada Waqooyi Oo Meel Adag Maraya Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay

0
Wednesday September 01, 2021 - 09:39:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muranka Kuraasta Gobolada Waqooyi Oo Meel Adag Maraya Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay

    Muranka Kuraasta Gobolada Waqooyi Oo Meel Adag Maraya Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muranka Kuraasta Gobolada Waqooyi Oo Meel Adag Maraya Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay

Muqdisho (HWN) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka dalka, kadib kulan uu la qaatay guddiyada doorashada ayaa soo hadal qaaday dooda weli ka taagan kuraasta Somaliland.



Ugu horreyn Rooble ayaa farriin u diray labada garab ee is haya, gaar ahaan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleediyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka codsaday inay ka shaqeyaan horumarinta iyo is-aaminaada, si ay doorashada labada Aqal ee Somaliland ugu dhacdo si cadaalad ah.


Rooble ayaa tilmaamay in in habraacii u dambeeyey uu dhigayo ee lasoo saaray uu dhigay in labadaan mas’uul ay soo xulayaan liiska musharixiinta xildhibaanada ka imaanaya gobollada waqooyi, isagana uu ka hubin doono, si markaas turxaan bixin loogu sameeyo.


Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inuu si gaar ah ula shaqeeyo labada dhinac, si looga gudbo caqabadaha weli ka jira kuraasta gobolada waqooyi ama Somaliland.


Dhinaca kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu intaasi ku sii daray in aanu ogolaan doonin in labada garab ay isku dulmiyaan doorashada, ayna sidoo kale jiri doonin u kala eexasho.


Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaafka u dhexeeya labada garab ee kuraasta Somaliland isku haya uu meeshii ugu sarreysay gaadhay.

Loading...
Loading...