Ruushka Oo Eryay Wariye BBC-da Ka Tirsan

0
Wednesday September 01, 2021 - 09:19:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Eryay Wariye BBC-da Ka Tirsan

    "Laakiin tallaabadan ayaa imaanaysa xilli cadaadis xooggan lagu hayo saxafiyiinta madaxa -bannaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Laakiin tallaabadan ayaa imaanaysa xilli cadaadis xooggan lagu hayo saxafiyiinta madaxa -bannaan"

Weriyaha BBC -da ee Moscow, Sarah Rainsford, ayaa ka tagtay Ruushka, iyadoo mas'uuliyiintu ay ceyriyeen ka dib markii lagu tilmaamay inay halis ku tahay amniga qaranka.



Ms Rainsford ayaa markii ugu horreysay BBC uga soo warrantay BBC dalkaasi in ka badan labaatan sano ka hor, waana markii uu Vladimir Putin xukunka qabtay. Waxaana loo sheegay inaysan dib ugu soo laaban karin dalkaasi.


Xukumada Moscow ayaa sheegtay in tani ay jawaab u tahay kadib markii weriye Ruush ah dalka UK lagasoo ceyriyay laba sano ka hor. Laakiin tallaabadan ayaa imaanaysa xilli cadaadis xooggan lagu hayo saxafiyiinta madaxa -bannaan iyo dadka u dhaqdhaqaaqa mucaaradka gudaha Ruushka. (Ms Rainsford waxay sheegtay inay u egtahay in laga soo masaafuriyay hoygeeda labaad.)


BBC

Loading...
Loading...