Ujeedada Codsi Dawlada Somaiya Ugudbisay Dawlada Qatar

0
Wednesday September 01, 2021 - 09:12:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Codsi Dawlada Somaiya Ugudbisay Dawlada Qatar

    " Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani, kaas oo ay kaga wada hadleen arrimo muhiim ah.

 

Kulanka ayaa waxaa ay uga wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya , si la mid ah waxa ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa u soo jeediyay hindiso Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay soo hordhigto feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo horumarka siyaasadeed iyo Amni.

 

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana sigaar ah loogu xantaa inay saaxiibo dhow la tahay Madaxda Villa Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamee Cabdullaahi Farmaajo


Loading...
Loading...