Itoobiya oo Farmaajo u Xaqiijisay in la sii Wadayo Mashaariicda Horumarinta Dekedda Berbera

Wednesday March 06, 2019 - 17:03:21 in News by
  • Visits: 3167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo Farmaajo u Xaqiijisay in la sii Wadayo Mashaariicda Horumarinta Dekedda Berbera

    Dawladda Itoobiya ayaa u bayaamisay Madaxweynaha Dawladda taabka gaaban ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Itoobiya ayaa u bayaamisay Madaxweynaha Dawladda taabka gaaban ee Soomaaliya

Hargeysa(HWN):-Dawladda Itoobiya ayaa u bayaamisay Madaxweynaha Dawladda taabka gaaban ee Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo in la sii wadayo mashaariicda wadajirka ah ee lagu horumarinayo dekedda Somaliland oo ay hore uu uga soo horjeedsatay dawladiisu heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World ee ku wajahnaa casriyeynta marsadda Berbera.



Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayey ka wada hadleen iskaashiga labadooda dal u dhexeeya iyo arrimaha Gobolka waxaana loo xaqiijiyey Soomaaliya in xidhiidhada Somaliland uu saacidayo Nabadgelyada Mandaqada Gobolka oo dhan.

Qoraal maanta lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sharxay qodobbadii ay ka wada-hadleen Farmaajo.

"Wada-hadalkaas waxa xoogga lagu saaray Afar Qoddob oo kala ahaa Ammaanka Mandaqada, Heshiisyadii hore loo kala saxeexday, sidii loo xoojin lahaa Cilaaqaadka Kenya-Somalia, sii wadista mashaariicda wadajirka ah ee Horumarinta Dekedda. Waxa kaloo la iftiimiyey in xidhiidhada Xukuumadda Somaliland ay xoojinayso Nabadgelyada Mandaqadda,”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya.

 

Loading...
Loading...