"Madaxweynaha Jabuuti Wuxuu Gartay Wixii Uu Muuse Biixi Garan Waayey"...Xisbiga Waddani

0
Tuesday August 31, 2021 - 20:33:54 in News by
  • Visits: 2393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha Jabuuti Wuxuu Gartay Wixii Uu Muuse Biixi Garan Waayey"...Xisbiga Waddani

    "Madaxweynaha Jabuuti Wuxuu Gartay Wixii Uu Muuse Biixi Garan Waayey"...Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha Jabuuti Wuxuu Gartay Wixii Uu Muuse Biixi Garan Waayey"...Xisbiga Waddani

Hargeysa(HWN):-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay inuu garan waayey qiimaynta xildhibaankii ugu codka badnaa doorashadii golaha wakiilada somaliland.


May be an image of 3 people and text


xoghaye Khadar ayaa sheegay in qiimayntii uu garan waayey Muuse Biixi uu gartay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray :-

Dawladda Jabuuti & Madaxweynaheeda, Raysal Wasaaraheeda iyo madaxdeedaba waxa aan si kal iyo laab ah uga mahadcelinaynaa karaamada iyo xurmada ay siiyeen walaalkeen halgamaa Xildhibaan Barkad oo ah Xildhibaanka ugu codka badnaa Golaha Wakiilada ee cusub oo inoo dhigay rikoodh cusub oo taariikhdeenna galay.

Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay gartay intii uu garan waayay Madaxwaynaheenna iyo Xukuumaddiisa wakhtigoodu gabaabsiga yahay ee uu sannadka u hadhsan yahay, xataa waxa ay kari kari waayeen in ay garawshiiyo ka bixiyaan ama sheegaan in aanu ku matalin Xisbiga iyo madaxwaynaha toonna hadalkii Afhayeenka Xisbigoodu ku sheegay in aannu Barkhad guuleysan karin doorashada ka hor.

Loading...
Loading...