Abwaan Cismaan Kujare Oo Soo Bandhigay Jawaabta Habarjeclo U Hayso Musharaxnimada Muuse Biixi Ee Doorashada Madaxtooyada
Abwaan Cismaan Kujare Oo Soo Bandhigay Jawaabta Habarjeclo U Hayso Musharaxnimada Muuse Biixi Ee Doorashada Madaxtooyada
Hargeysa(HWN):-Abwaan Cismaan Kujare ayaa soo bandhigay jawaabta ay Habarjeclo ka bixinayso hadii uu Muuse Biixi mar kale isku soo sharaxo doorashada madaxtooyada.
![]() |
abwaan Kujare ayaa war uu soo saaray waxa uu ku yidhi "Madaxweyne Muuse Biixi Jabkii Ka Soo Gaadhey Xisbiga kulmiye Doorashooyinkii Isku Sidkanaa Ee Bilihii Lasoo Dhaafay Dalka Ka Qabsoomay Kadib.
Waxaa Igu Maqaala ah Inuu Madaxweynuhu Uyeedhay Odaayaal Beeshiisa Ah Oo Kuyidhi Orda Oo Raadiya Dadkii Kastamarka Inoo Ahaa Iyo Taageerayyaashii Xisbiga Kulmiye Gaar Ahaan Beeshii Aynu Jeegaanta Isku Ahayn Ee Aan Shirkadohoodii Xidhay Shaqaalohoodii Eryey Hudheeladoodii Xidhay Gudoomiyii Xisbigii Kulmiyena Aan U Diidey Ee Balantii Kaga Baxay.
Orda Oo Raadiya Oo Wadahadal Lafura Si Aynu Rajadii Xisbiga Usoo Celino Marlabaadna Kursiga Ugu Soo Laabano.
Hadaba Waxaan Talo Ahaan Odhan Lahaa Madaxweyne Wakhtigii Dalka La dhisi Lahaa Iyo Waqtigii Xisbiga Ladhisi Lahaa Labadaba Way Dhaaftay Waqtiguna Waa Gebgebo Sanadbaa Kuu Hadhay Wax Maanta Lagaa Qorayaana Majiraan Waayo Marka Naftu Qarqarada Soo Gaadho Dadka Waxba Lagama Aqbalo.
Markaa Anigoo Kuu Nasteexaynaya Waxan Ku Odhan Lahaa Odayaasha Ha Lugoyn Arintu Halkii Wax Laga Qaban Jirey Way Dhaaftay
Jawaabta Maanta Ku Hortaala Ama Ku Khusaysaana Waxay Noqonaysaa Kelmedo Kujirey Gabay UU Nin Hore Tiriyey Oo Ahaa
Muusow Tolimo Waa Jeclaa Waydinkii Jaraye
Waataa Jardheer Kala Baxdeen Jixinjixeeniiye
Janadii Ilaahbaa Hayee Jidhida Iimaanso
Qodobka Labaad Waxaa Igu Maqaala ah Inuu Madaxweynenuhu Wasiirada Qaar Eryayo Qaar Kalena Magacaabayo.
Hadaba Arintani Hadii Ay Jirto Madaxweyne Muuse Waxaan Talo Ahaan Odhan Lahaa Madaxweyne Hadii Dheriga Dhardhaarada Loo Kala Bedelo Raashinku Ma Macaanaado Dalkuna Maanta Wasiiro La Bedelo Iyo Wasiiro La Magacaabo Uma Baahna Ee Wuxuu U Baahanyahay In Adiga Lagu Bedelo Maxaa Yeelay Intaad Adigu Meesha Joogto Waxba Isbedeli Maayaan .
Markaa Madaxweyne Waxaan Kugula Talin Lahaa Inaanad Iska Eryin Wasiiradii Aad Hore Usoo Xularay Ee Bilaa Aqoonta Iyo Bilaa Saamaynta Ah Ee Mudada Afarta Sano Ah Kula Shaqaynayey Iyo Horjoogaahaasha Xisbiga Kulmiye kuu Horfadhiya Waayo Waxaan Hubaa Hadaan Adiga Lagu Bedelin Inaan Waxba Isbedelayn.
Waxaan Qoraalkaygan Kusoo Geba-gebaynayaa Kelmedo Ku Jirey Gabay UU Hore Tiriyey Nin La Odhan Jirey Axmed aw muxumud.
Kaa Jeeste Shacabkii Markay Jaah Wareereene
Jibadii Horeetiyo Lawaa Jiibkii Reeraha e
Jiidhkaa Lagaa Nacay Sidii Jananki Aamiine
Jagadii Bukaasoo Kalaad Galabta Joogtaaye
Inaan Jaal Markale Kula noqdoo Jagada Kuu Doorto
Oo Aad Jawaab Naga Heshaa Waa Hal Aan Jirine
Allaa Mahadle
Abwaan Cismaan Kujare
Loading...
Loading...


0 






