Wargeyska Caalamiga Ah Ee World Street Journal Oo Shaaciyey In Somaliland Saxeexday Heshiiska Lagu Keenayo Qaxoontiga Afghanistan

0
Tuesday August 31, 2021 - 11:08:10 in News by
  • Visits: 2436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska Caalamiga Ah Ee World Street Journal Oo Shaaciyey In Somaliland Saxeexday Heshiiska Lagu Keenayo Qaxoontiga Afghanistan

    Wargeyska Caalamiga Ah Ee World Street Journal Oo Shaaciyey In Somaliland Saxeexday Heshiiska Lagu Keenayo Qaxoontiga Afghanistan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Caalamiga Ah Ee World Street Journal Oo Shaaciyey In Somaliland Saxeexday Heshiiska Lagu Keenayo Qaxoontiga Afghanistan


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa ogolaatay in magaalada Berbera la keeno qaxoonti ka socda wadanka Afghanistan oo tiradoodu gaadhayso toban kun oo qof (10,000).

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Cafis u fidiyay Maxaabiis reer Puntland ah – Beegsonews-Wararka maanta


Wargeyska caalamiga ah ee world street Journal ayaa shaaciyey in xukuumada somaliland ay saxeexday heshiis ay ku ogolaatay in qaxoontiga Afghanistiyiinta ah si ku meelgaadh ah loo dejiyo magaalada Berbera ee ku taala xeebta badda cas.

Wakiilka somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good ayaa wargeyska WSJ u xaqiijiyey in Zach Van Meter oo ah ganacsade maalgashiyade weyn ahi uu la soo xidhiidhay isla markaana uu waydiiyey in dawlada Somaliland ay qaabili karto qaxoonti kumanaan ah oo u dhashay wadanka Afghanistaan.”

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay in 25 August 2021 uu kusimaha wasiirka arimaha dibada Somaliland ahna wasiir ku xigeenka Liibaan Yuusuf Cismaan uu heshiis hordhac ah la saxeexday hay’addo samafal ah oo la shaqeeya maalgashadaha Mr Van Meter kaas oo ay xukuumada somaliland ku ogolaatay in qaxoonti Afghanistaan u dhashay oo gaadhaya 10,000 si ku meelgaadh ah loogu hayo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.


Halkan Guji Si Aad u Akhrisato


Loading...
Loading...