Culumada Oo Xukuumada Muuse Biixi Ka Codsaday In Lasiidaayo Suxufi Coldoon Iyo Jawaabta Khaliil

0
Tuesday August 31, 2021 - 09:25:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culumada Oo Xukuumada Muuse Biixi Ka Codsaday In Lasiidaayo Suxufi Coldoon Iyo Jawaabta Khaliil

    "laakiin nagalaguma bahalo galinaayo wadaad baad xidheen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"laakiin nagalaguma bahalo galinaayo wadaad baad xidheen"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sh.Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ka jawaabay codsi uga yimid culimada Ansaaru-sunna oo ku saabsanaa in la siidaayo Suxufi Coldoon oo xukuumada Muuse Biixi Xidhay.



Wasiir Khaliil ayaa sheegay in kiiska Suxufi Coldoon uu ku jiro maxkamada, isagoo intaasi raaciyay inaan xukuumad ahaan nalagu bahalo galin Karin ayuu yidhi wadaad baad xidheen, isagoo arinkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:-


"Madaxweynahu wuu balan-qaaday in uu diinta Ilahay ilaalinayo, laakiin qofku hadii uu qaldamo yaan la xidhin dee meelna kuma taalo qofka khaldamay, xadhiguna caqli celinta ayuu ka mid yahay, Imika maxkamad baabu taagan yahay oo kiiskiisu ku jiraaye maxkamada cadaalad baanu ka rajeynaynaa Insha Allah, laakiin nagalaguma bahalo galinaayo wadaad baad xidheen..."

Loading...
Loading...