Saraakiil Sarsare Oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Turkiga SAWIRO

0
Tuesday August 31, 2021 - 08:39:55 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Sarsare Oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Turkiga SAWIRO

    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dowladda


May be an image of 2 people and people standing


Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

 

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kan Turkiga.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay siiso ee la xiriira tababarida Ciidamada iyo siinta Hubka iyo Gaadiidka ay ku howlgallaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladdaha taageerada Millateri siiya Soomaaliya, waxaana sanad walba ay tababar siisaa Ciidamo iyo Saraakiil, sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya siiso hub iyo Gaadiid ay ku howlgallayaan Ciidanka dowladda.

May be an image of 1 person and standing
May be an image of 1 person, standing and military uniform
May be an image of 1 person and standing
May be an image of 2 people and people standing
May be an image of one or more people, people standing and outdoors

Loading...
Loading...