Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Shaqaale Uqaadatay Wiil Gacan Ka Gaystay Nadiifinta Dooxa Hargaysa

0
Monday August 30, 2021 - 17:37:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Shaqaale Uqaadatay Wiil Gacan Ka Gaystay Nadiifinta Dooxa Hargaysa

    "Abokor waxa uu si wayn uga qayb qaatay isaga iyo Gaadhi Dameerkiisu..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Abokor waxa uu si wayn uga qayb qaatay isaga iyo Gaadhi Dameerkiisu..."

Hargaysa (HWN) Dawlada Hoose ee Degmada Hargaysa ayaa shaqaale uqaadatay wiil siwayn uga qayb qaatay nadiifinta dooxa way nee magaalada Hargaysa.



Wiilkan oo ku shaqaysta gaadhi dameer ayaa qoraal ay baahisay dawlada Hoose lagu sheegay in wiilkan oo lagu soo koobay magaciisa Abokor uu dadaal wayn ku bixiyay sidii loo nadiifin lahaa dooxa, waxaana qoraalka dawlada Hoose ee Hargaysi baahisay lagu yidhi sidan:-

 

"Kadib markaanu aragnay Dadaalka iyo Wadan jacaylka ka muuqda  Abokor waxaanu u qaadanay shaqaale ka mid ah Dawladda Hoose ee Hargaysa gaar ahaan waaxda ilaalada Dooxa iyo ka warhaynta Bilicda Dooxa Hargaysa.

Abokor waxa uu si wayn uga qayb qaatay isaga iyo Gaadhi Dameerkiisa Ololihii Qashinka lagaga gurayay Dooxa wayn ee Caasimadda Hargaysa.”

Loading...
Loading...