Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Oo Xidhiidhkii U Jaray Garabkii Haweenka Xisbiga Ee Gabiley Iyo Dareenka Haweenka

0
Monday August 30, 2021 - 14:29:52 in News by
  • Visits: 2465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Oo Xidhiidhkii U Jaray Garabkii Haweenka Xisbiga Ee Gabiley Iyo Dareenka Haweenka

    Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Oo Xidhiidhkii U Jaray Garabkii Haweenka Xisbiga Ee Gabiley Iyo Dareenka Haweenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Oo Xidhiidhkii U Jaray Garabkii Haweenka Xisbiga Ee Gabiley Iyo Dareenka Haweenka




Garabkii Haweenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley ayaa cabasho ka muujiyey Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo ay sheegeen in ay al-baabada ka xidheen, isla markaana ay ga’doomiyeen,waxaanay shaaciyeen shir wadda tashi ay ka yeellanayaan arrintaas.




Cabashada ay haweenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley ay ka qabaan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ayaa ahayd mid soo noq-noqotay,isla markaana soo taxnay illaa sannadkii 2019-kii,balse hadda waxay ku baqeen shir ay kaga tashanayaa mustaqbalkooda siyaasadeed,kaas oo maanta loo ballansan-yahay inuu ka qabsoomo Magaalada Gabiley.

Garabka Haweenka Xisbiga KULMIYE oo war-baahinta kula hadlay xarunta Xisbiga ee Gabiley ayaa haddalkooda ku bilaabay sidan:-"Annaga oo ah garabkii haweenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley iyo guddidii Gobolka ,waxaanu iskugu nimi in aanu iclaamino shir ay kaga tashanayaan haweenka Gobolka Gabiley aayahooga siyaasadeed bishan ogos shan iyo labaatankeeda 2021-ka,halkan waxa fadhiya guddidii heer Gobolka,waxa aanu iclaaminaynaa shirkaas oo dhici doonna 25-ka ogos 2021-ka, kaas oo ay ka soo qayb-geli doonnaan dhammaan degmooyinka Gobolka oo dhammi,waxa nagu kelifaya in aanu shirno oo dadkii iskugu yeedh-no oo danahayagaiyo aayahayaga ka tashano waxay tahay baahi farra baddan oo ku gedaaman Haweenka iyo cabashooyin baddan oo haweenka Xisbigu ay qabaan oo degmooyinka ka imanaya oo Gobolka ka jira iyo duruufo baddan oo siyaasadeed.”ayey sheegeen

Waxa ay intaas ku dareen " Xidhiidh la’aan aananu wax xidhiidh ah la lahayn Xukuumadda dhexe,sida oo kale aananu wax xidhiidh ah la lahayn Xisbiga KULMIYE ee heer Qaran,cid na oggi iyo cid nagga war haysaa aanay jirin.”ayey sheegeen

Geesta kalena Garabka haweenka KULMIYE ee Gabiley ayaa sheegay in shirka ay yeellanayaan uu yahay mid wadda tashi,isla markaana degmooyinka Gobolka oo dhan laga imanay doonno,iyadoo ay xuseen in ay ka tashanayaan Xisbiga KULMIYE iyo Mustaqbalkooda siyaasaddeed "Dadkii aanu ka kaanbayn garaynay ayaa cabashooyin baddan iyo hawlo baddani nagaga imanayaan oo hawlo baddan oo ay ahayd in aanu annagu xal u hel-no oo Bulshadayadda ka xalino aanu xalin karri weynay oo aananu xal u haynin ,markaa waxa aanu garanay in aanu dadkii u yeedh-no oo dumarkii aanu masuulka ka ahayn ay yimadaan oo aanu ka tashano ,shirkaas shan iyo labaatanka bishan aanu qabsanaynaa wuxuu noqonayaa mid furran oo saxaafadda u furran oo wixii xog ka soo baxa aanu saxaafadda la waddaagi doonno ,degmooyinkiina wey ballansan yihiin oo waanu is ognahay shan iyo labaatanka bishan ogos 2021-ka, ayaanu ku ballanay in aanu shirka ku qabsanayo Gobolka,ujeedada shirku daaran yahay waa wadda tashi in dumarka Gobolka ee Xisbiga KULMIYE oo ah 89% Xisbiga KULMIYE in ay iyagu ka tashadaan dumar ahaan danahooga u gaarka ah,dumarku berrigii hore waxay lahaan jireen xubno Golaha Degaanka uga soo baxa oo iyaga ku metela siyaasad ahaan oo culays wixii dumarka ku yimaada aanu ula tagno oo xalin jiray,lakiin maanta waxaad ka war haysaan in anaan lahayn wax xubno ah oo Golaha degaanka nooga mid ah oo aanu culays-yaddayada iyo hawlaha nagu soo kordha ka xalin karno .”ayey tidhi Samsam Sheekh Cabdilaahi

Gunaanadkii Samsam Sheekh Cabdilaahi ayaa sheegtay in aanay wax xidhiidh ah la lahayn Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda "Sidoo kale ma jirto wax xadhiidh ah oo aanu la leenahay Xukuumadda dhexe iyo Xisbigii KULMIYE ee heer Qaran,marka duruufo yimi ayaa nagu kelifay in aanu dumarkayagii u yeedh-no oo Gobol ahaan isku tashano annaga oo danahayaga siyaasadeed ka wadda hadlayna.:”ayey tidhi Samsam Sheekh Cabdilaahi


Loading...
Loading...