Muuse Biixi Oo Tareenka Kulmiye Ka Tuuray Mid Ka Mid Ah Saaxiibadii La Soo Jihaaday Iyo Sababta Keentay
Sannadkii 2015-kii ayaa waxa uu khilaaf weyni ka dhex qarxay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ahaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweynihii cahdigaasi Axmed Siilaanyo oo ay garab boodayeen xubno kamid ahaa Golihiisii Wasiiradda iyo masuuliyiin ka tirsanaa Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo iyana la safnaa Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxdiisa.
Murrankan oo ahaa mid xooggan,isla markaana salka ku hayey Musharraxnimadda Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sababay in xabsiga la dhigo qaar kamid ahaa teegeerayaashii Guddoomiyaha Xisbiga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo cahdigaa u ordayey inuu helo fursad Musharraxnimada Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE,waxaanu xaalku noqday in xattaa sawiraddiisa baabuurta iyo gidaarada laga fujiyo,isla markaana dhan wal-ba laga saaro caddaadis.
Dhanka kalene waxa jirtay in xattaa dhaqaallihii xisbiga laga ga’doomiyey,isla markaana ay Madaxweyne Siilaanyo iyo siyaasiyiintii kale ee KULMIYE oo is garabsanaayey ay ku soo qaadeen duullaan cir iyo dhul ahaa,kaas oo uu jilib dhigay isaga oo ay weheliyeen laba masuul oo qudha oo kaga soo hadhay kaatiriintii wakhtigaas ee Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo kale ahaa Maxamed Kaahin Axmed iyo Jaamac Ismaaciil Cige Shabbeel,isla markaana uu isaguba sheegay inay la dhinteen labadaa Mujaahid wakhtigaas.
Madaxweyne Biixi,ayaa cahdigaas maalin uu war-baahinta kula hadlayey xarunta Xisbiga KULMIYE,isaga oo ay labada dhinac ka fadhiyaan Maxamed Kaahin iyo Jaamac Shabbeel,waxa uu yidhi :-"Isharrax oo ku gor-gortan taas ma geyo Raggan ila joogaana ma geyaan, nolashayadda intii badnayd waxa aanu u hurnay inuu dalkani wax noqdo Musharraxnimaddu iga mab’da ayey ahayd raggan waxay halkan ugu soo hadheen ee ay ugu dhintaan naga mab’da ayey ahayd,haddii dadkii isku afgaran waayey dalkana khal-khal ay gelinayso annaga ayaa ka hadhayna Musharraxnimadda ,waxa aan siistay nabad gelyadda dalka waxa aan siistay jiritaanka dambe ee Xisbiga,waxa aan siistay midnimadda ummaddayda .”ayuu yidhi
Geesta kalene Sannad iyo bilo markii uu xilka Madaxweyne-nimadda hayey ayaa saxiibkiisii la soo rafaaday ee Jaamac ismaaciil Cige shabbeel oo ahaa Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga laga saaray Xisbiga KULMIYE,isla markaana bannaanka la dhigay,taas oo siyaabo kale duwan loo micneeyey,isla markaana uu qof walba meesha uu rabbo ula kacay,qaar ayaa sheegay in abaal guddi aqoon Madaxweyne Biixi,halka qaar-na ay ku macneeyaan in Jaamac Shabeel uu yahay xadhiga lama sitaan.
Jaamac Shabbeel oo ka hadlay waxa ay Madaxweynaha isku seegaan ayaa yidhi "Khilaafku cidda uu na soo kala dhex galay Xisbiga maaha, ee waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waana Xeerkii kufsiga ee aan ka hadlay.”ayuu yidhi.