Tiradaaa Wasiiradii La Bilawday Mudo Xileedka Ee Uu Muuse Biixi Xilka Ka Qaaday Iyo Deegaanada Ay Ka Soo Jeedaan
Muuse Biixi Cabdi, ayaa 14-kii bishii December Sannadkii, 2017-kii magacaabay xubnihii golihiisii ugu horeeyay ee wasiirrada, kuwaas oo noqday golihii ugu horeeyay ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi , kadib markii uu ku guulaystay xisbigiisa KULMIYE aqlabiyadda codadkii doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay 13-kii November sannadkii 2017-kii.
Muuse Biixi waxa uu ku dhawaaqay gole wasiirro ah oo ka kooban 23-wasiir iyo 9-wasiir ku-xigeen,balse Madaxweyne Biixi ayaa hadda Xukuumaddiisa afar sanno ay bilo uga dhimman yihiin, ayaa 23-kaa Wasiir ee Golihiisa Wasiiraddiisi u horeeyey waxa uu Xilalka ka qaaday 6 kamid ah,taas oo muujinaysay in Madaxweyne Biixi u yahay nin aan ku deg-degin xil ka qaadista Wasiiradda.
Xubanaha Lixda ee uu Xilalka ka qaaday Madaxweyne Biixi ee kamidka ahaa Golihiisii Wasiiradda ugu horeeyey ayaa waxa uu xilalka ka qaaday wakhtiyo kale duwan,isla markaana kale durugsan,waxaanay kale yihiin shan Rag ah iyo hal haweenay ah,kuwaas oo magacyadoodu kale yihiin sidan hoose
1. Dr Xasan Ismaaciil Warsame Wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka(Galbeedka Burco)
2. Cawaale Ibraahin Shirwac Loddoon Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka( Awdal )
3. Ciise Axmed Yuusuf Cabdale Wasiirkii Wasaaradda Gashaandhiga (Barriga Sanaag Warsangeli )
4. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda(Sallaxley)
5. Hinda Jaamac Xirsi Wasiirkii Wasaaradda shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada(Barriga Burco)
6.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax ( guri Barwaaqo) Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta(Galbeedka Hargeysa )
7.Xildhibaan Yaasiin Faratoon wuu iska casiley isagu xilka(Sool)
Dhanka kalene Wasiiradda xilalka uu ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi muddadii uu xilka hayey ayaa waxa ku jira hal Wasiir oo degaankiisa ka soo jeeda, waxaanay shanta xubnood ee kale yihiin qaar ka soo jeeda beelaha kale ee reer Somaliland,waxaanay taas muujinaysaan in Madaxweyne Biixi uu yahay nin aan ku deg degin xilka qaadista xubnaha kamidka ah Golihiisa Wasiiraddiisa ee ka soo jeeda degaanaddiisa.
Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa mudda’daa ku dhaw afarta sanno ee uu xilka hayey,waxa uu xilalkii Wasiirnimo ka qaaday lix Wasiir oo kamid ahaa Golihiisi ugu horeeyey ee Wasiiraddisii uu Magacaabay,halka uu hal Wasiir oo Xildhibaan Faratoon ahaa uu iska casiley isagu xilkii.