Ciidamada Dab Demiska Oo Ilma Yar Ka Badbadiyey Suuli Lagu Riday Iyo Qaabkii Hawl Galku U Dhacay

0
Wednesday May 15, 2019 - 17:29:20 in News by
  • Visits: 5410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dab Demiska Oo Ilma Yar Ka Badbadiyey Suuli Lagu Riday Iyo Qaabkii Hawl Galku U Dhacay

    Ciidamada Dab Demiska Oo Ilma Yar Ka Badbadiyey Suuli Lagu Riday Iyo Qaabkii Hawl Galku U Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dab Demiska Oo Ilma Yar Ka Badbadiyey Suuli Lagu Riday Iyo Qaabkii Hawl Galku U Dhacay

 

 


Hargeysa(HWN):-Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta abaaro 1:26 Pm lagu soo wargeliyay samatabixinta Ilmo yar oo lagu Riday Musqul dhererkeedu qiyaas ahaan ahaa 10 M kuna taallay Xaafada Oktoobar ee Degmada Axmed Dhagax.




Ciidanka ayaa ka hawlgalay sidii ilmahaas looga soo saari lahaa Suuliga, waxaana ciidanku ku guuleystay inuu ka soo saaro suuliga, iyadoo xubin ka mida ciidanka oo adeegsanaya xadhkaha Samatabixinta iyo sallaamada uu gudaha u galay godkaas kana soo saaray iyadoo Ilmahaasi noolyahay Caafimaadkiisuna uu aad u wanaagsanayahay.


Kadib ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmahaas yar oo caafimaad qaba ku wareejiyay Cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.



Masuuliyiinta waaxda hawlgelinta iyo caafimaadka ayaa hawlgalkaa hogaaminayay sidoo kale waxaa isaguna goobjoog ka ahaa hawlgalkaa Duqa caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Guud ahaan hawlgalkaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ilmahaasina hadda Caafimaad qabo.


Ciidanka dab-demiska ayaa laga soo bilaabo aasaaskii ilaa maanta sameeyay badbaadooyin iyo samatabixino iyadoo ay u dambaysay kaalintii ciidanku ka geystay gurmadkii roobabkii khasaaraha geystay ee hal maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Hargeysa.

 

Loading...
Loading...