Midawga Afrika Oo Madaxweynihii Hore Ee Nigeria U Soo Magacaabay Wakiilka Wadamada Geeska Afrika Iyo Shaqada Uu Qabanayo

0
Saturday August 28, 2021 - 13:07:34 in News by
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Afrika Oo Madaxweynihii Hore Ee Nigeria U Soo Magacaabay Wakiilka Wadamada Geeska Afrika Iyo Shaqada Uu Qabanayo

    Midawga Afrika Oo Madaxweynihii Hore Ee Nigeria U Soo Magacaabay Wakiilka Wadamada Geeska Afrika Iyo Shaqada Uu Qabanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midawga Afrika Oo Madaxweynihii Hore Ee Nigeria U Soo Magacaabay Wakiilka Wadamada Geeska Afrika Iyo Shaqada Uu Qabanayo


Hargeysa(HWN):-Ururka midawga Afrika ayaa ergay sare oo gaar ah u soo magacaabay wadamada geeska Afrika.

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo Hargaysa Lagusoo Dhaweeyay – Bandhige- Wararka Somaliland iyo faallooyinkooda


Gudoomiyaha ururka midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaciyey in madaxweynihii hore ee dalka Nayjeeriya Olusegun Obasanjo uu u magacaabay wakiilka sare ee u qaabilsan wadamada geeska Afrika.

Go’aanka uu qaatay gudoomiyaha ururka midawga Afrika ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dedaalka ururkaasi ugu jiro kor u qaadida nabada, amniga, xasiloonida iyo wada hadalada siyaasadeed ee dhamaan dalalka geeska Afrika.

Wakiilkan sare ee ka socda ururka midawga Afrika ayaana la sheegay inuu xoojin doono sidii ay dhamaan jilayaasha siyaasadeed ee geeska Afrika uga wada qayb gali lahaayeen arimaha khuseeya ee la xidhiidha nabada iyo xasilooni waarta oo ka hirgasha gobolka geeska Afrika.

Sidoo kale gudoomiyaha ururka midawga Afrika Moussa Faki ayaa uga madaxweynihii hore ee Nigeria inuu aqbalo xilka uu u magacaabay " Aad ugu mahadcelinaya Madaxweyne Olusegun Obasanjo inuu aqbalo xilkan siyaasadeed ee istiraatiijiga ah iyadoo loo eegayo danta guud ee Ururka.

Hoggaamiyihii hore ee Nayjeeriya wuxuu la imanayaa waayo-aragnimo siyaasadeed oo aad u hodan ah, iyo aqoon dhamaystiran oo ay si dhab ah uga go'an yihiin fikradaha sare ee Pan-Africanism iyo is-dhexgalka gobolka iyo iskaashiga, iyo sidoo kale aqoon qoto dheer oo ku saabsan xaaladda hadda ka jirta Geeska Afrika.


Loading...
Loading...