"Gudoomiyaasha mucaaradka waa in aan hal seegin" ... Siyaasi Maxamuud Xaashi

0
Saturday August 28, 2021 - 09:08:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Gudoomiyaasha mucaaradka waa in aan hal seegin" ... Siyaasi Maxamuud Xaashi

    "Gudoomiyaasha mucaaradka waa in aan hal seegin" ... Siyaasi Maxamuud Xaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gudoomiyaasha mucaaradka waa in aan hal seegin" ... Siyaasi Maxamuud Xaashi

Hargaysa (HWN) Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa usoo jeediyay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland talooyin uu sheegay in loo baahnayahay in ayna seegin Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.


Siyaasi Maxamuud ayaa talooyinkaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Barta Facebook uu ku leeyahay oo uqornaa sidan:-



Siyaasaddu waa hadhka labadiisa gelin, oo hadba cid ayay libintu raacdaa. Waxaanay leedahay habeeno, hoosiis, hilmaan, hawo been ah, iyo marin habow.


Sidaa darteed, gudoomiyaasha xisbiyada mucaaradka waa in aanay seegin, in guushii wadareed ee ay ka gaadheen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanku, aanay ifafaale iyo udub-dhexaad u ahayn, odoroska natiijada doorashada madaxtooyada ee soo socota.

Loading...
Loading...