9 qof ayaa ku dhimatay kadib markii wiish ku soo dumay caasimadda Kenya, sida ay booliisku sheegeen

0
Friday August 27, 2021 - 10:27:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    9 qof ayaa ku dhimatay kadib markii wiish ku soo dumay caasimadda Kenya, sida ay booliisku sheegeen

    Mid ka mid ah shaqaalaha goobta oo lagu magacaabo Michael Odhiambo, ayaa sheegay in wiishku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah shaqaalaha goobta oo lagu magacaabo Michael Odhiambo, ayaa sheegay in wiishku



Booliska caasimadda Kenya ayaa Khamiistii sheegay in sagaal qof ay dhinteen ka dib markii wiish ku soo dumay dhisme aad u dheer oo ku yaalla Nairobi.

 

Sarkaalka Muturi Mbogo ayaa sheegay in wiishku soo dumay duhurkii khamiistii xilli ay shaqaaluhu furfurayeen. Wuxuu sheegay in qof shaqaale ah uu dhaawac culus soo gaadhay. welina la baadhayo sababta keentay burburka.

 

Mid ka mid ah shaqaalaha goobta oo lagu magacaabo Michael Odhiambo, ayaa sheegay in wiishku soo dhacay kadib markii shaqadiisa lagu soo gabagabeeyay dabaqa 14-aad.

 

"Waxay u muuqataa inaysan garwaaqsanayn in boolalka ku xidhnaa ay dabacsanaayeen,” ayuu yiri mid shaqaalaha ka shaqeeya ahi. "Waxaan maqalnay jug weyn, kaliya waxaan ogaannay in wiishkii hoos u dhacay.”

Laba injineer oo Shiine ah ayaa ka mid ahaa dhibbanayaasha, ayuu yiri Odhiambo. Mashruuca lagu dhisayo hoy ardaydu degto oo ka kooban 14 dabaq ayaa waxaa kormeeraya shirkad dhisme oo Shiine ah.

 

Plumber Dominic Morara ayaa AP u sheegay in uu arkay shaqaalihii ka soo dhacay wiishka kuwa dhulka joogana ay ka carareen goobta.

africanews

Loading...
Loading...