"Waa Xadgudub In Madaxtooyada Soomaaliya Tidhaa Kenya Waanu La Heshiinay Iyada Oo Aan Xuduntii Khilaafka…."Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Muqdisho(HWN):-Hogaamiyaha xisbiga Waddajir ee
soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in
madaxtooyada Villa Soomaaliya shaaciso heshiis ay la gaadhay dawlada Kenya ee
khilaafku u dhaxeeyey.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa ka horyimid in heshiiskaas lagu dhawaaqo iyada oo aan la soo hadal qaadin sababtii dhalisay khilaafka labada dal.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku yidhi :-
Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tiraahdo Keenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay.
Waajib Dastuuri iyo mid Waddani ah weeye in shacabka Soomaaliyeed runta loo sheego. Madaxweynuhu waa in uu runta ka sheego wadahalladii (Addis Ababa iyo Nairobi) lagula yeeshay.
Saxaafadda Soomaalida waa in aysan soo minguurin qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ee waa in ay baaritaan dheeraad ah samaysaa, su’aalo wax ku ool ahna la timaado.