Muuse Biixi Oo Mudo Ka Dib Shir La Yeeshay Golihiisa Wasiirada Iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

0
Thursday August 26, 2021 - 17:17:54 in News by
  • Visits: 1555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Mudo Ka Dib Shir La Yeeshay Golihiisa Wasiirada Iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

    Muuse Biixi Oo Mudo Ka Dib Shir La Yeeshay Golihiisa Wasiirada Iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Mudo Ka Dib Shir La Yeeshay Golihiisa Wasiirada Iyo Qodobada Uu Kala Hadlay

Hargeysa(HWN):-Fadhigii 78-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wassaaaradaha, Arrimaha Gudaha iyo horumarinta maaliyadda.


May be an image of 1 person, table and indoor


Ugu horrayna waxa warbixin laga dhegeystay wasiirka Arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka. Sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.

Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland.

Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Loading...
Loading...