Dhacdo La Yaab Leh Oo Golaha Wakiilada Ku Dhexmartay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Iyo Xildhibaan Yaasiin Faratoon.

0
Thursday August 26, 2021 - 13:02:59 in News by
  • Visits: 4120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo La Yaab Leh Oo Golaha Wakiilada Ku Dhexmartay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Iyo Xildhibaan Yaasiin Faratoon.

    Dhacdo La Yaab Leh Oo Golaha Wakiilada Ku Dhexmartay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Iyo Xildhibaan Yaasiin Faratoon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo La Yaab Leh Oo Golaha Wakiilada Ku Dhexmartay Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Iyo Xildhibaan Yaasiin Faratoon.


Hargeysa(HWN):-Fadhigii lagu ansixiyey xeer hoosaadka golaha wakiilada ayey dhacdo layaab lihi ku dhexmartay gudoomiyaha golahaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ka mid ahaa xildhibaanadii soo xaadiray fadhigaasi.

Yaa loo saadaalinaya doorashada Guddoonka Baarlamanka Somaliland? – Puntland Post


Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa xildhibaanada golaha ku wargeliyey inay u codeeyaan ansixinta xeer hoosaadka golaha, waxaanu soo jeediyey inay gacanta taagaan xildhibaanada ogol kuwaas oo noqday 70 xildhibaan oo aanu ku jirin Yaasiin Faratoon, sidoo kale xildhibaanada diidan ayuu ku amray inay gacanta taagaan kuwaas oo noqday 4 xildhibaan oo aanu ku jirin Faratoon

Gudoomiye Khaliif ayaa mar kale ku dhawaaqay inay gacanta taagaan xildhibaanada ka aamusay balse cidina gacanta may taagin, waxaana la arkayey xildhibaan Yaasiin Faratoon oo aan sadexdii dhinac midna raacin hadana fadhiyey golaha wakiilada, balse markii gudoomiyuhu ku dhawaaqayey natiijada codaynta ayuu xildhibaan Faratoon codkiisa ka dhigay inuu ka aamusay, isaga oo ku dhawaaqay in 70 xildhibaan ogolaadeen, 4 xildhibaana diideen, 1 xildhibaana ka aamusay.

Sidoo kale gudoomiye Khaliif oo ka hadlay dareenka uu muujiyey xildhibaan Faratoon isla markaana ku dhawaaqaya natiijada codaynta ayaa waxa uu yidhi "Xildhibaanada golaha fadhiyey waa 76, waxa u codeeyey in la ansixiyo xeer hoosaadka 70 xildhibaan, waxa diiday 4 xildhibaan, waxa aan meelna gacanta u taagin 1 xildhibaan oo aynu ku tirinayno inuu ka aamusay sida xeerka iyo sharcigu qorayo.”


Loading...
Loading...