Muuse Biixi Oo Hab Dastuur Jabin Ah U Maray Celinta Xeerka Furashada Ururada Siyaasada

0
Thursday August 26, 2021 - 12:53:40 in News by
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Hab Dastuur Jabin Ah U Maray Celinta Xeerka Furashada Ururada Siyaasada

    Garyaqana Guuleed Dafac oo soo bandhigay khaladaadka jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqana Guuleed Dafac oo soo bandhigay khaladaadka jira



Hargeysa(HWN):-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac(Dafac) ayaa ka hadlay habka madaxweyne Muuse Biixi u maray hanaanka uu golaha wakiilada ugu soo celiyey xeerka furashada ururada siyaasada.

Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Dacwad Ka Dhan Sheekh Cabdiraxmaan-Dheere U Gudbiyay Maxkamada Iyo Jawaabta Sheekha - Geeska Afrika Newspaper


Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay in Muuse Biixi uu jabiyey wakhtiga uu dastuurku jideeyey inuu ku soo celin karo xeer ay labada gole ansixiyeen, waxaanu yidhi "sida dastuurka somalilandku qoran, madaxweynuhu awood ayuu u leeyahay soo celinta xeer ay soo ansixiyeen labada gole ee baarlamaanku markaa awoodiisa dastuuriga ahayd oo ka mid ah isdheelitirka awoodaha ayuu isticmaalay markii uu xeerkaas dib ugu soo celiyey golaha wakiilada balse waxay su,aali ka taagan tahay mudada uu ku soo celiyey,dastuurkana waxa ku qoran madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu ku saxeexo xeerka mudo 21 maalmood ah ama ku soo celiyo golaha,inkasta oo wakhti doorasho oo kala guura lagu jiray hadana waxaan qabaa in waajibka dastuuriga ah uu madaxweynuhu maro oo uu shaaciyo una gudbiyo xoghayntii golaha ee sii shaqaynaysay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay isku mawqif ahayn Muuse Biixi iyo xildhibaanadii diyaariyey wax ka badalka xeerkan oo Kulmiye ka tirsanaa waxaanu yidhi "waxa muuqata in xubnihii wax ka badalka ku sameeyey xeerkan ee ka tirsanaa golihii hore ee wakiilada iyo madaxweynuhu aanay wada socon, xubnahaasina ay si gaar ah u soo diyaariyeen wax ka badalka wada tashina aanay la yeelan inkasta oo ay ahaayeen xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye waanay ku adkeeyeen oo waxay ka dhigeen inaan doorashada la gali Karin ilaa mida ururada la qabto xisbiyaduna way diidanayeen arintaas.”

Sidoo kale garyaqaan Guuleed Dafac waxa uu sheegay in golaha wakiilada laga sugayo go’aanka ay ka qaataan soo jeedinta madaxweynaha iyo wax ka badalka xeerkaasi "Golaha wakiiladu waxa uu ka kooban yahay xildhibaano ka kala tirsan xisbiga Kulmiye ee madaxweynuhu gudoomiyaha u yahay iyo labada xisbi mucaarid oo iyagu hore u sheegay inay ka soo horjeedaan wax ka bedelka xeerka mar hadii uu madaxweynuhuna ka soo horjeedsaday waxay u badan tahay inay goluhu aqbalaan soo jeedinta madaxweynaha maadaama oo aanu xisbi kale jirin, sadexdii xisbina ay isku aragti ka yihiin xeerkan.”


Loading...
Loading...