Ogow Magacyada Afar Xildhibaan Oo Ka Horyimid Ansixinta Xeer Hoosaadka Golaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland

0
Thursday August 26, 2021 - 12:42:53 in News by
  • Visits: 1839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogow Magacyada Afar Xildhibaan Oo Ka Horyimid Ansixinta Xeer Hoosaadka Golaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland

    Ogow Magacyada Afar Xildhibaan Oo Ka Horyimid Ansixinta Xeer Hoosaadka Golaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ogow Magacyada Afar Xildhibaan Oo Ka Horyimid Ansixinta Xeer Hoosaadka Golaha Cusub Ee Wakiilada Somaliland


Hargeysa(HWN):-xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada somaliland ayaa ansixiyey xeer hoosaadka ay isku dhaqi doonaan mudada ay xilka hayaan.




Xeer hoosaadka golaha cusub ee wakiilada somaliland ayey diideen afar xildhibaan oo aan ku qancin habka loo dhigay iyo qodobo ka mid ah xeerkaasi.

Afarta xildhibaan ee diiday ansixinta xeer hoosaadka golaha wakiilada ayaa kala ah xildhibaan Maxamed Abiib, Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul, Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf iyo xildhibaan Sheekh Axmed Ku Cadeeye.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo la hadlay warbaahinta ayaana soo bandhigay sababta uu uga horyimid ansixinta xeer hoosaadka golaha wakiilada "Waxaan ku diiday inaan u codeeyo xeer hoosaadka golaha wakiilada anigu dhaqanka duuduubka la yidhaahdo balanqaad ayaan uga sameeyey shacabkii I soo doortay oo waxaan u sheegay hal maalin kaliya wax duuduub lagu ansixinayo gacanta u taagi maayo shanta sanadood, sidoo kale xeerkan malaha tusmadii loogu tala galay oo qofka golaha yimaadaa ma garan karo halka ay ku qoran yihiin awooda gudoomiyuhu maanta oo dhan ayaa la baadhayaa 70 warqadood ceebtaas weyna maan filayn in duuduub lagu ansixiyo, xataa shan daqiiqo aanu isha ku marino nalama siin, waanan ka xumahay in dhaqankaas duuduubka uu golaha ka curto oo uu bilaabo, waana qaran jab iyo sharaf ay ku tahay shacabkii golaha soo doortay.”

Xildhibaan Maxamed Abiib oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Afar xildhibaan ayaanu kaga codaynay kuwaas oo kala ah Aniga, Xasan Dhuxul, Cabdilaahi Yuusuf iyo sheekh Ku Cadeeye, Xeerkani wuu dhaqan galay oo waa sharci 70 mudane ayaana u codeeyey oo halkan cod ayaa laysku muquuniyaa balse dareenkayga ayuunbaan xaq u leeyahay inaan sheego.”

Loading...
Loading...