Koox Hubaysan Oo Xashiishadda Ka Ganacsada Berbera Oo Rasaas Kala Hor Yimid Ciidanka & Khasaaraha Ka Dhashay

0
Thursday August 26, 2021 - 12:25:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Hubaysan Oo Xashiishadda Ka Ganacsada Berbera Oo Rasaas Kala Hor Yimid Ciidanka & Khasaaraha Ka Dhashay

    "Sida uu Warkani sheegayo, waxa ay rasaastu ka haleeshay ama kaga dhacday Taliyaha, Bawdada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sida uu Warkani sheegayo, waxa ay rasaastu ka haleeshay ama kaga dhacday Taliyaha, Bawdada"

Berbera, (HWN) – Koox hubaysan oo Xashiishadda ka ganacsada Magaaladda Berbera ayaa Rasaas nool kala horyimid Ciidanka booliiska Somaliland kuwaasi oo dhaawac Culus gaadhsiiyay Taliye Ku Xigeenkii Dekedda Berbera Axmed Cawaale kaasi oo dhaawiciisa lagu dabiibayo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.



Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan saraakiisha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo dad goob joog ahaa oo ku sugan Magaalada Berbera, waxa habeen hore Magaalada Berbera ka dhacday dhacdo cajiib oo argagax ku riday dadka shacabka ah iyo guud ahaan Reer Berbera. Taliye ku xigeenka Dekedda Berbera Axmed Cawaale iyo Ciidan uu hogaaminayo ayaa loo soo sheegay koox Xashiishadda ka ganacsada, oo sida la sheegay ka agdhawaa, isagoo markiiba Ciidan kaxaystay islamarkiibana abaaray halka ay ku sugnaayeen.


Wararkan ayaa intaasi ku daray in Taliyaha oo habeen hore Heeganka Gobolka u lahaa iyo Ciidankiisu ay baacsadeen kooxdaasi Xashiishada ka ganacsada kuwaasi oo isku dayay markii ay Ciidanka arkeen inay ka baxsadaan, balse markii ay Ciidanku woxogaa baacsanayeen, sida uu warkani nagu soo gaadhay,waxay galeen meel Kharaabad ah ama dhisme dunsan, kaasi oo ay gabood ka dhigteen, balse Ciidanku kama hadhin ee waxay isku dayeen inay kadaba galaan, nasiib daro waxay kala hor yimaadeen Rasaas nool, waxaanay halkaasi dhaawac culus ugu gaysteen taliye ku xigeenkii ciidanka watay Axmed Cawaale, kaasi oo dhaawaciisa loola soo cararay Dhinaca magaalada Hargeysa.


Sida uu Warkani sheegayo, waxa ay rasaastu ka haleeshay ama kaga dhacday Taliyaha, Bawdada iyo Badhida, waxaana sida la noo sheegay, dhex fadhiisatay mid ka mid ah rasaastii kaga dhacday Bawdada, taasi oo shalay qaliin lagu sameeyay Cisbitaal Hargeysa si looga soo saaro Rasaasta dhex fadhiistay. Wararkii u dambeeyay ayaa noo sheegay in Xaaladda Taliyuhu aad u wanaagsan tahay oo ay kasoo raynayso, halka raggii Xashiishadda watay ee Taliyaha dhaawacayna ay Ciidanku xabsiga dhigeen.


Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ugub ku ah oo ku cusub gayiga Somaliland, waana markii u horaysay ee ay Koox Xashiishadda ka ganacsataa rasaas nool u adeegsato Ciidanka Nabadgalyada Somaliland. Sidoo kale waxay dhacdadani daba socotaa, walaac wayn oo ay Shacabka Somaliland mudooyinkii u dambeeyay ka qabeen Maandooriyaha Xashiishada oo isticmaalkeedu aad ugu soo badanayso Somaliland.


Sidoo kale, Waxay dhacdadani ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan uu Madaxweyne Biixi Khudbaddii Ciiddal Firidii uu si adag ugaga hadlay Geedka Xashishada iyo Maandooriyaha oo aad ugu soo badanaya Somaliland. Waxay Ciidanka Nabadgalyada Somaliland kor u qaadeen dadaalka ay ugu jiraan dagaalka iyo dabagalka ay ku hayaan kooxaha Xashiishada soo galiya Somaliland iyo dadka Isticmaalaba.


Wargayska Foore

Loading...
Loading...