Somaliland: Macaanka Noloshu Waa Nabadda Iyo Xasiloonida

0
Thursday August 26, 2021 - 10:40:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Macaanka Noloshu Waa Nabadda Iyo Xasiloonida

    W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Madaxda dhaqanka Somaliland waxaa waajibkoodu yahay, qaybweynna ay ka qaataan, iyaga oo kaashanaya ciidamada amniga, ilaalinta nabadgelyada, xasiloonda, nabadaynta xurkufaha ka dhexdhaca beelaha iyo ilaalinta/fulinta xeerarka dhaqanka ee ummadda Somaliland. Maanta madaxda dhaqanka Somaliland ee sharafta leh, milgaha leh, xushmadda leh ee taariikh ahaan la kala dhaxlo waxaa qasa, sharaftoodiina dhaawaca tuugo intay cumaamad iyo go’ shaal ah qaataan maalinkasta makarafoonka hor taagan oo afuufaya qabyaalad iyo iskudir, dawladnimada u gefa una hanjaba si loo siiyo baad ama hantida ummadda loogu laaluusho, oo weliba qaarkood ku xidhanyihiin lacagna ka qaataan cadowga Somaliland una xilsaaranyihiin inay xaalad abuuraan lid ku ah nabadgelyada, xasiloonida iyo qaranimada Somaliland iyaga oo marba ku soo gabbanaya dhacdo la xallinkaro, ujeedadooda dhabta ahina ay tahay mijaxaabinta Jamhuuriyadda Somaliland. Dadka noocaas ah waa in lagu qaadaa gefafka iyo fitnada ay ku hadlayaan haddii aanay ka waantoobin.



Siyaasadda dalka waxaa shuqul ku leh oo ka mas’uul ah xukuumadda Somaliland. Madaxda dhaqanku shuqul kuma laha siyaasadda hoggaaminta iyo maamulka dalka. Xukuumadda Somaliland waxaa waajib ku ah inay tallaabo ka qaado kuwa sheegta madaxda dhaqanka ee ku milma siyaasadda, markastana makarafoonka u taagan madaxda dawladda oo loo dhaarto, qabyaaladana afuufaya si loo khalkhalgeliyo xasiloonida iyo nabadgelyada dalka, qaarkoodna u adeego cadow shisheeye. Madaxda dawladda, heerkasta, oo loo dhaarto waxay la mid tahay iyada oo loo dhaarto xasiloonidda, nabadgeyada, dawladnimada iyo qaranimada Somaliland waana dembi culus. Somaliland waxay noqotay dal gaamuray, dastuur leh iyo shuruuc ka farcanta markaas waa in tallaabo adag laga qaadaa dadka ku kaca arrimahaas lidka ku ah dalka iyo dadka isla markaana si cad u taageera hagardaamooyinka cadowga Somaliland.


Somaliland waa dal iyo dad Muslim ah oo u baahan in shuruuc laga soo saaro cayda, beenta, dhaarta iyo hanjabaadda loo geysto madaxda dalka ee kala ah xukuumadda, golayaasha qaranka, garsoorka, madaxda Axsaabta qaranka iwm, iyo isku dirka beelaha iyo dawladda, qabyaalad-ku-kicinta bulshada, u adeegga cadowga Somaliland, iyo shuruuc qeexda xuduudda shaqada madaxda dhaqanka iwm, dhammaan shuruucdaas oo la waafajiyo kuna salaysan dhaqanka iyo anshaxa Islaamka. Maaha wax sax ah in loo dhaqmo sida gaalada ama dadka aan diinta lahayn oo aan qofku waxba xeerin, waxna xidhin, aakhirkkiina laga dhaxlay qoys iyo bulsho burbur.


Madax dhaqanka ku sheegga maalinkasta makarafoonka la taagan dhaarta loo dharanayo dawladda dalka, isku diraya beelaha iyo dawladda, isku diraya beelaha dhexdooda, qabyaaladda afuufaya, ku baaqaya mudaharaad qabyaaladeed oo aan sharci ahayn waa in laga qaadaa liisanka madaxtinimada dhaqanka, loo fasaxaa siyaaasadda uu ku mamay lana ilaashaa dhaqdhaqaaqiisa maadaama lagu yaqaan fitno-abuur.


Nolosha qofka waxaa ugu muhiimsan inuu haysto nabadgelyo iyo xasilooni si uu wax u barto, u shaqaysto, horumar nolosha u gaadho. Ummadda Somaliland waa inay ka fogaataa caadifadda qabyaaladda, dhegaha ka furaysataa iskana qabtaan cadowga raba inay burburiyaan xasiloonidooda, nabadgelyadooda iyo dawladnimadooda, kala gartaan nasteexooda iyo cadowgooda, la socdaan wax allaale wixii lid ku ah nabadgelyada iyo dawladnimadooda isla markaana la socodsiiyaan hay’adaha amniga si tallaabo looga qaado deg deg ah.


Gurikasta, qoyskasta, ganacsikasta waa inuu ogyahay waxa hareerihiisa ka socda isla markaana dareenkoodu sareeyaa, cidii uu ka shakiyana u gudbiyaa markiiba hay’adaha ku shuqul leh si loo ilaaliyo xasiloonida iyo nabadgelyada dalka taas oo nolol u ah qofkasta oo Reer Somaliland ah. Maanta waxaa qiimaha xasiloonida iyo nabadgelyada fahmayaa waa ummadaha Ciraaq, Suuriya, Afgaanistaan, Somalia, Falastiin iwm. Idinba waa soo marteen dhibaato laxaad leh oo aad ku fahamtaan qiimaha xasiloonida iyo Nabadgelyada ee aad maanta haysataan ee xejista, Ilaahayna ugu shukriya si uu idiinku siyaadiyo, ummadaha walaalihiina ee weli dhibban iyagana u duceeya in Ilaahay ka saaro dhibaatada ay ku jiraan.


Siyaasad maamul waqti ku eg ee aad wax ka tabanayso sida cadaalad xumo ogow looma dhaawaco qaranimadaada iyo dawladnimadaada. Ogow maamul waa yimaadaa waana tagaa waxa u dhaxeeyana waa samir, laakiin wadaninimada, dawladnimada iyo qaranimadu waa joogto, mucaaradna ma laha sida siyaasadda. Hadaad maanta arkayso waxyaabo aadan raali ka ahayn, berrito ayaad arki waxyaabo aad ku faraxdo. Eebbe (SWT) waxaa uu yidhi waxaan la jiraa: "Kuwa samra.” Macaanka noloshu waa nabadda iyo xasiloonida (Stability and peace represent the sweetness of life).


DARDAARAN WAAYEEL

(ELDERLY WILL)

- Haddii Somaliland dadka qaar ka cabanayaan dulmi ama cadaalad xumo baahsan, suga doorashada kuna bedela maamulka aad ka cabanaysaa codkiinna, ha isku dayina inaad maamul ama xukuumad ku bedashaan xasiloonidarro waayo waxay taasi halisgelinaysaa nabadda iyo nolosha ummad dhan oo aan gaar u hayn kuwa dulmiga sameeya (Change corrupt or term expired-government peacefully with democratic elections, not with violence as that is detrimental to all).


- Si xasiloonida iyo nabadgelyadu u taabogalaan dalka, waa in maamulka ama xukuumadda marba jirtaa ku dadashaa ilaalinta furaha xasiloonida iyo nabagelyada oo ah: Cadaaladda (Justice is the key to stability and peace in a country).


- Hal shey oo Somali burburisay weligiin ka fogaada. Waa qabyaaladda. Qabyaaladu waa hooyada cadaalad-xumo oo dhan. Qabyaaladu waxay keentaa dulmi, dulmiguna wuxuu dhalaa dagaal sokeeye. (Tribalism is the mother of all injustice in the culture of Somalis, it leads to oppression and oppression begets civil wars).


GUNAANDKA DARDAARANKA

(1). Inaad maamul xun ku bedashaan doorasho

(2). Inaad xasiloonida iyo nabadgelyada ku ilaalisaan cadaalad

(3). Inaad qabyaalad-la-dagaallan uga fogaataa dagaal sokeeye


Ibrahim Hassan Gagale

August 25, 2021

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...