Jaamac Yare 27 Sannadood Ayuu La Dagaalamayey Qaddiyadda Soomaalilaan
24 bishan aynu ku jirno waxa Hargaysa ka soo degay siyaasi Jamaac Maxamed Qaalib oo muddo dheer aamisnaa in aanay Soomaalilaan dal noqon Karin, balse ay Soomaaliya ka mid tahay. Ilaa hadda ma jirto madal, qiraal iyo qoraal uu kaga tanaasulay mabdi’ii Soomaalilaan nacaybka ee uu ku caan-baxay. Sida muuqata haatan da’diisu waa 88 jir, waxaanu dalkiisii uu mudada dheer dagaalka kula dib ugu soo noqday si uu nabad iyo nasasho ugu helo maadaama uu ka waayey labadaaba meeshii uu dalkiisa ka jaclaaday. Dhawr qoddob ayeynu ka iftiimin doonaa dagaalkii siyaasadeed uu Jaamac Yare ku hayey dalkiisa oo uu maanta soo miciinbaday:
= Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu calanka u siday siyaasiyiintii diiday heshiishkii ay golaha Guurtidu ka dhexwaday dawladdii madaxweyne Cigaal iyo maleeshiyadii haystay Madaarka caasimadda Hargaysa dabayaqaaddii 1994. Wuxuu lug ku lahaa dagaalkii sokeeye ee qarxday isla sannadkaasi, waxaanan ku xusay buugga Go’aan iyo Geesinimo (2016). Colaad uu u hayey Cigaal ayuu ku lammaaneeyey dagaalkii sokeeye. Wixii intaasi ka dambaysay dalka wuu ka baxay, ka dib markii la jebiyey maleeshiyadii uu dabada geliyey, waxaanu noqday dibad-wareeg dalka ka caagan.
= Sannadkii
2003 ayuu si kedis ah madaarka caasimadda Hargaysa uga soo degay diyaarad uu
saarnaa. Markii ay ka war heleen ciidankii ammaanku ayaa markiiba lagu xidhay
isla madaarka. Safarkiisaa kumuu guulaysan inuu cagaha soo dhigo dalka aanu
qaddiyadiisa aaminsanayn. Xukuumaddii Riyaale ee wakhtigaasi ayaa
mastaafurisay, oo xaggaa iyo Jabuuti ayaa diyaarad loo saaray. Xadhigaasi waxa
ka dhashay weerar dhimasho iyo dhaawac geystay, ka dib markii ay ciidanka
ilaalada madaarka tacshiirad is-weydaarsadeen rag hubeysan oo diidan xadhiga
Jaamac Yare. mastaafurintiisa ka dib waraysi uu siiyey BBC-da laanta afSoomaaliga
wuxuu ku sheegay in kuwan waanu go’nay leh aanu caqli u kordhin.
= Sannadkii
2011 ayuu mar labaad ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargaysa. Markii
uu soo baxay warka inuu Jaamac Yare Hargaysa joogo, ayuu afhayeenkii dawladdii
Madaxweyne Siillaanyo Cukuse u sheegay BBC-da laanta Afsoomaaliga inuu Jaamac
Yare dalka cafis ku yimid oo uu ka tanaasulay mabdi’ii ahaa in Soomaalilaan
aanay dal noqon Karin, sidaasina lagu cafiyey. Hasayeeshee wakhtigaasi isaga
lagama maqal meel uu ku sheegay inuu fikikiisii beddelay.
=
Qoraalladiisa inta badan ku soo bixi jiray wargaysyada ku soo baxa afka
Ingiriisiga wuxuu si badheedh ah ugu duri jiray jiritaanka qaddiyadda
Soomaalilaan-ta maanta uu soo miciinbaday. Inta badan wuxuu wax ku qoraa afka
Ingiriisiga. Waxa ka mid ahaa qoraal af Ingiriis ku qoraan oo uu ku soo qoray
wargayskii ka soo bixi jiray Itoobiye ee Sub-Saharan Informer oo uu ku sheegay
inuu walaac weyn ka qabo dhallinyarada badan ee ku soo badnaysa Soomaalilaan ee
aan waxba ka ogeyn midnimada Soomaaliya. Haddii kuwaasi ay sii kordhaan hadhow
haddiiba afti laga qaado kuwa goo’ni go’a doonaya inay foodka heli doonaan.
Halkaasina lagu waayo midnimadii Soomaaliya.
= Jaamac Yare
wuxuu kaalin weyn ku lahaa shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee ka dhacay
dalka Jabuuti ama shirkii Carta ee qabsoomay 2000. Wuxuu guddoomiye u ahaa
guddigii diyaarinaysay axdi-qarameedkii dawladdii Carta ee Cabdiqaasim
hogaaminayey. Colaadinta Soomaalilaan ayuu shirkaasi si weyn uga dhexwaday.
Sidoo kale shirkii Eldooreet ee Kiiniya lagu qabtay ee loo qabtay kooxaha
Soomaaliya ee lagu soo doortay C/laahi Yuusuf ayuu badhtanka kaga jiray. Waxa
la yidhi” Meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido”. Farmaajo oo ah
madaxweynaha ugu cadaawadda badan Soomaalilaan wuxuu Jaamac Yare u magacaabay
guddoomiyaha guddiga Taakuleynta ciidamada. Hasayeeshee xilkaasi wuxuu uga
cudurdaartay da’diisa oo weynaatay iyo inuu yahay hawlgab aan shaqo qaban
Karin. Waxaanu yidhi” laba sabab ayaan u diiday. Horta ciidan qaran
taakuleyntii tabarucaad laguma dhisi karo. Aniguna tamar uma hayo xil qaran oo
waan ka gaboobay”. Hadalkiisaa ugu dambeeya waxa ku cad in aanu shaqadaasi u
diidin inuu ka noqday mowqifkiisii Soomaalilaan diidka ahaa ee da’du u run
sheegtay.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





