Talo Ku Socota Xildhibaanada Baarlamaanka
Xildhibaanada cusub ee aynu dooranay waxaa saaran masuuliyado culus oo ay ugu waynyihiin in ay caroog u noqdaan dadka ay matalaan iyo la xisaabtanka hayaadaha fulinta, xildhibaanku wuxuu leeyahay karaamo iyo Sharaf, si karaamada iyo xushmada uu xildhibaanku ugu lahaado bulshada iyo shacabka uu matalayo waxaan usoo jeedinayaa qodobadan:
Yaraynta warbaahinta
iyo baraha bulshada ee arrimaha xasaasiga ah
Xildhibaanku wuxuu
hadh iyo habeen la kulmayaa arrimo xasaasi ah oo u baahan in wax laga qabto,
xalintoodu waxay ku xidhantahay dariiqa uu xildhibaanku u maro, tusaale ahaan
Guuleed oo golaha ka mid ah ayaa loo sheegay in wasiir Raage ku kacay ku
tagrifal awoodeed, xildhibaan Guuleed inta uu cararay ayuu u tagay wasiir raage
isaga oo aan xog dhammaystiran haysan kadib wasiirkii wuu isdifaacay wayna is
maan-dhaafeen wasiirkii, xildhibaanku aad ayuu u xanaaqay kadib wuxuu la hadlay
warbaahinta una sheegay in uu wasiirku khaladaad sameeyay.
In wasiirka warbaahinta loo mariyo dhaleecayn, waxaa ka horaysa in goluhu iska arkaan arrinka loona gudbiyo guddi ay khusayso, haddii talaabooyinkii sharciga ahaa iyada oo loo maray uu xildhibaanku ku qanci waayo sida loo xaliyay Kiiska waxaa u banaan in uu warbaahinta la hadlo.
Xildhibaanku haddii uu warbaahinta ku bato maxaa ka dhallan kara?
1. Waxa ugu wayn waa shacabka oo aan warka xildhibaanka xiise badan u qaadin maadaama oo ay markastaba arkaan isaga oo arrin ka hadlaya
2. Masuuliyiinta
fulinta waxaa caadi la noqonaya in warbaahinta laga dhaleeceeyo ama
khaladaadkooda laga sheego
3. Warbaahinta oo
lagu bataa waxay xildhibaanka ku keentaa in ay ka dhacaan hadalo badan oo
haddii uu aad oga fiirsado aan ka dhaceen, hadhowna sharaftiisa iyo
karaamadiisa dhaawacda
4. Warbaahinta oo
xildhibaanka hoos dhigta arrimo xasaasi ah oo aan ku haboonayn in warbaahinta
la mariyo
Haddaba si xildhibaanku karaamadiisa u dhawrto waxaan kula talin lahaa in uu ka taxadiro wararka ay siinayaan warbaahinta iyo qodobada ay ka hadlayaan.
Waxa kale oo muhiim ah in arrimaha ay ku xalin karaan golaha dhexdiisa iyo cidda ay khusayso ayna waxba dibada keenin, waayo waxaa jira arrimo badan oo xalkoodu golaha ku dhammaan karo
Qorre :- Guuleed Axmed Xaashi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





