Agaasimaha Madaxtooyada Oo Si Dadban Uga Hadlay Hadalhaynta Ka Taagan Jaamacada Barwaaqo

0
Thursday August 26, 2021 - 09:05:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Madaxtooyada Oo Si Dadban Uga Hadlay Hadalhaynta Ka Taagan Jaamacada Barwaaqo

    "Nin kabo La' haddaad Kabo ka tolato, Cagaag bad ku Danbayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nin kabo La' haddaad Kabo ka tolato, Cagaag bad ku Danbayn"

Hargaysa (HWN) Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille ayaa si dadban uga hadlay hadal haynta beryahay ka taagan Jaamacada Barwaaqo oo ku taala Somaliland, waxaanu agaasime Bille oo qoraa uu baahiyay ku sheegay in weligeedba uu dagaal ka dhexeeyay aqoonta iyo jaahil nimada, qoraalka uu baahiyay ayaa uqornaa sidan: -



Taariikhdu waxa ay inoo sheegtay in Aqoonta iyo Jahliga/warmoogga weligoodba colaadi ka dhexeysay. Horumar iyo aqoon kasta oo cusub dagaal ayaa lagala horyimid. Arinkani Somali uun kuma koobna ee waa wax caalamku soo wada maray.


Tacliinta casriga ihi waxa ay Somaliland si rasmi ah u soo gashay qiyaastii 80 sanadood ka hor. Tan iyo wakhtigaasi waxa dagaal kula jiray Jahliga iyo warmoogga. Dadkii u horeeyay ee dalkeena aqoonta casriga ah keenay dagaal ayaa lagala hortagay, si dhuumasho ah ayayna ardaydooda wax ku bareen. Dadkii xiligaasi wax bartay waxa ay u badnaayeen dadkii dalkeena madaxwaynayaasha iyo wasiirada ka Soo noqday iyo aqoonyahanka jaamacadaha wax dhigi jiray.


Waa dhab in Horumarka iyo ilbaxnimadu ay dhibaatadooda wataan, waana muhiim in wixii dhibaato in ay yihiin la isla garto in xal loo helo. Balse horumarka iyo tacliinta maanta joogta maaha wax cidi hor joogsan karto. Adduunku uu isku wada xidhanyahay. Cid keligeed isku filani ma jirto. Ummad kasta waxa ay wax la qabsanaysaa ummado kale oo ay kala afyihiin, kala dhaqan yihiin oo ay kala caqiido yihiin.


Marka ad waxgaranwaydo cid kugu wardhaanta wax waydii. Ummadaha kale ee ad isku dhaqan iyo diinba tihiin ka wardoon waxa ay ku aflaxeen iyo waxa ay ku khasaareen si ad cashar uuga barato. Waxa kale oo ad eegtaa dalalka ad isku dhaqan iyo diinba tihiin ee guulaystay iyo kuwa burburay iswaydiina kuwa guulaystay waxa guusha u sahlay iyo kuwa burburay waxa burburiyay. Cashar wanaagsan ayaa wadamadaasi laga baran karaa.


Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Ninka ad Kabo ka Tolanayso, Kabihiisa ayaa la eegaa. Haddii nin kaba xun gashan ama bilaa kabo ah ad kabo ka tolato, waxa hubaal Ah in cagocaddaan ad ku danbaynaysid.


Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland

Maxamed Cali Bille

Loading...
Loading...